U bood dhigaalka

Farmaajo Oo 4 Garsoore u Magacaabay Maxkamadda Sare

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku magacaabay garsooreyaal ka tirsan maxkmadda sare ee dalka, kadib soojeedin ka timid guddoomiyaha maxkamadda sare Baashe Yuusuf Axmed.

Garyaqaannada uu Madaxweynuhu u magacaabay xilalka Garsoorenimo ee Maxkamadda Sare ayaa ah:

 Garyaqaan Xasan Cabdinuur Cabdiraxmaan,  Garyaqaan Abuukar Axmed Cali (Qasaali),  Garyaqaan Cabdulqaadir Idiris Ciise iyo  Garyaqaan Suleymaan Maxamed Maxamuud.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku adkeeyey garsooreyaasha uu magacaabay in ay dhawraan sarreeynta sharciga dalka iyo in ay si siman ugu adeegaan shacabka.

Tallaabadan uu qaaday Madaxweynaha ayaa qeyb ka ah dardar gelinta Golaha Adeegga Garsoorka iyo wax ka qabashada cabshooyinka dhanka cadaaladda ee ka yimid Muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Goobjoog News

Mawduucyada:Banaadir