U bood dhigaalka

Farmaajo oo Ajende La’aan La Kulmaya Hoggaanka Xisbiyada Siyaasadeed

Sheeko:Amniga

Waxaa saaka 9:30 subaxnimo lagu wadaa inu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo kulan la qaato hoggaanka xisbiyada qaran ee dalka ka jira.

Sida ay Goobjoog News u sheegeen qaar ka tirsan guddoomiyeyaasha axsaabta la ballamiyey, waxaa ay Villa Somalia tagayaan iyada oo aan loo sheegin wax ajende ah, oo waa fariin uu soo diray uun agaasimaha Madaxtooyada Qaranka Dr. Nuur Diiriye Xirsi Fuursade.

Kulankan ayaa lagu waday inuu dhaco khamiistii laakin baaqday, waxaa xusid mudan in uu daba socdo midkii uu madaxweyne Farmaajo la yeeshay labadii kursiga uga horeysay ee Xasan Sheekh iyo Sheekh Shaarif.

Farmaajo oo waqtigiisa ka harsan yahay hal sano ayaa u muuqda inuu soo dabcay, lana hadlayo dad la rabay inuu mar hore la hadlo.

Wararka kulankaas kala soco halka

Goobjoog News