U bood dhigaalka

Farmaajo Oo Fahad La Taliye Ka Dhigtay, Akhriso Xilalkale Oo Uu Magacaabay

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Waqtihiisa dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa wareegto uu soo saaray waxa ku magacaabay  xilalka Taliyaha Nabadsugidda Dalka, Agaasimaha Madaxtooyada iyo Lataliye Amni.

Farmaajo ayaa wareegtadiisa oo keliya lagu baahiyay Baraha bulshada Villa Soomaaliya waxaa uu aqbalay iscasilaad uu soo gudbistay Fahad Yaasiin oo horay u ahaa Taliyaha Hay’adda NISA, kaas oo uu maalin ka hor ra’iisul wasaaraha xilka ka qaaday.

Wareegtada Xafiiska Farmaajo ayaa Fahad Yaasiin loogu magacabay in uu noqdo la taliyaha Amniga ee Madaxweynaha.

Hoos Ka Akhriso Wareegtada Ka Soo Baxday Xafiiska Madaxweynaha 

Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, Lataliyaha Amniga Qaranka iyo Kusimaha HNSQ
Muqdisho, Sebteembar 7, 2021: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo mudnaan siinaya darda-gelinta, horumarinta iyo joogtaynta hawlaha baaxadda leh ee horyaalla hay’adaha amniga, waxa uu Xeer Madaxweyne ku soo saaray qodobadan;
1. Madaxweynaha wuxuu aqbalay istiqaalada uu usoo gudbiyay Agaasimahaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (HNSQ) Mudane Fahad Yaasiin, isagoo ku bogaadiyay shaqadii wanaagsanayd ee uu ka qabtay dib u habeynta Hay’adda.
2. Madaxweynaha Farmaajo ayaa u magacaabay Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud, oo haatan ah Taliyaha Nabad Sugidda ee Gobolka Banaadir, in uu si kumeel gaar ah u hoggaamiyo Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka inta laga soo magacaabayo taliye cusub oo ku yimaada hab waafaqsan sharciga iyo Dastuurka KMG ee dalka.
3. Madaxweynaha ayaa u magacaabay Mudane Cabdisaciid Muuse Cali inuu noqdo Agaasimahga Guud ee Madaxtooyada Qaranka, waxa uuna ku ammaanay shaqada hufan ee uu kasoo qabtay taabbo-gelinta siyaasadda Amniga Qaranka.
4. Madaxweynaha ayaa sidoo kale u magacaabay Mudane Fahad Yaasiin Xilka La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu isugu yeerayaa kulan ay yeelanayaan Guddiga Amniga Qaranka 18ka Sebteembar 2021, si Guddiga looga horjeediyo warbixinta laga dalbaday Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.
DHAMMAAD