U bood dhigaalka

Farmaajo Oo Furaya Kalfadhiga 1aad ee Golaha Shacabka

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta war saxaafadeed uu soo saaray Ku sheegay in arbacada soo socota uu madaxweyne Farmaajo furi doono kalfadhiga 1aad ee golaha shacabka.

Mr. Jawaari waxaa uu qoraalka Ku sheegay in Golan’s uu kulmayey tan iyo markii la dhaariyay 27kii December ee sanadkii hore balse uu hadda si rasmi ah u furmi doono.

Dhinaca kale, madaxweynaha Soomaaliya  Maxamed Cabullahi Farmaajo ayaa kulankaas lagu wadaa in uu xildhibaanada u soo bandhigo wasiirka koowaad Xasan Kheyre, kana codsan doono in ay ansixiyaan.

Goobjoog News