U bood dhigaalka

Farmaajo Oo Guul-darradiisa iyo Ka Adkaashiyo La’aanta Al-shabaab Dusha Ka Saaray Xoogga Dalka

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo shalay oo isniin aheyd kormeel ku tagay dugsiga Janaraal Goordon iyo taliska guud ayaa khudbad uu halkaasi ka jeediyey isaga fogeeyey guul-darradiisa amniga, isaga oo ciidamada xoogga dalka dusha ka saaray  ama madax furasho ka dhigtay guul-darrooyinka amniga gaar ahaan ka soo bixid la’aantiisa balantii aheyd inuu Al-shabaab dalka uga saaryo 2 sano gudahood.

Farmaajo oo arrintaas  ka hadlayey waxaa uu yiri “Waan xusuustaa, qaarkiinna waxaa laga yaabaa in aad xusuusataan, waxa aan ku wada hadalnay, oo waxaad ii sheegteen dhibaatooyinka iyo duruufaha jira, duruufahaas haddii la xalinaya muddo 2 sano ah in dalka Shababaab looga xureynayo, anna waxbaad i farteen in aan ka soo baxo, anna wax ayaan idiin faray, meeshaas waxaan ku kala qaadannay ballamo”.

Madaxweynaha ayaa sii faah-faahiyey waxa ay ku wada hadleen“ Waxaa tiraahdeen ciidankan waa duruufeysan yahay muddo dheer mushaar ma qaadan, dhibaatooyin badan buu qabaa, maxaa ku iraahdaa rasaas la’aan  iyo hub la’aan ayaa jirta haddii intaas la xaliyo, oo duruufaheenna, waajibaadkeenna waa gudaneynaa”.

Isaga oo intaas raaciyey “Halkan waxaan idiin kugu imid in aan is wareysanno, oo is xog wareysanno’, annaga wixii aad noo dirteen oo ahaa duruufihiinna in aan meel saarno oo ay kow ka aheyd mushaaraadka, raashiinka oo taxane ah, oo aanan aheyn sida aan taqaaneen wax talan-taalli ah ama bil dhaaf aanan aheyn, oo aad noqotaan saraakiil suga ama ciidan suga mushaarkooda, xuquuqdooda, waqtigii loogu talo-galayna ay qaataan, waajibaadkaas ayaad na saarteen, oo waxaa tiraahdeen, innagana waan ka soo baxeynaa in aan cadawga ummada Soomaaliyeed ka dulqaadno, intaas ma xusuusataan? (Ciidamada “Haaa”),

Farmaajo waxaa uu soo qaatay sheeko dhex martay isaga iyo saraakiisha 2011-kii “Weliba saraakiishii markaas joogtay waxaan u sheegay, waxaan la wadaagay khibradeyda 7 sano ka hor markii aan ra’isul wasaare noqday, oo Shabaabka madaxtooyada hoosteeda iyo baar bulsho ay joogeen in duruufahaan aad sheegteen oo ay qabeen, oo markaas taliyeyaashii aan u yeeray iyo AMISOM, oo weliba ay sheegeen, in aad sheegteen oo ah in haddii duruufahaas la xalliyo in muddo 3 bilood ah ay Xamar kaga saaraayaan Al-shabaab, ilaahayey waa noo fududeeyeen waxaan xaqiijiyey bil walbo iyada oo aan horay loo arag in ciidamada qalabka sida ee geesiyaasha xuquuqdooda helaan bil walba, waqtogooda ay helaan iyo raashinkooda iyagana waajibaadkooda waa guteen, waana ka adkaadeen Shabaab, magaalada Muqdishana waa ka xureeyeen”.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata“Hadda, markii aan balanta kala qaadaneynay waxaan idiinku iri, labo sano armey idiinki yar tahay? Waxaa igu tiraahdeen dareeska qaado iclaami dagaal, 2 sano dalka waan ku xureyneynaa, haddii aad ka soo baxdo waajibaadkaada, maanta waxaan halkan la taaganahay marka, labadii sano marka laga reebo 3dii bilood oo howlo kale ay bilowdeen si joogta ah ma heleyseen raashinkiinna iyo mushaaraadkiina? Ciidanka: Haa.”.

Isaga oo su’aalo weydiinaya waxaa uu yiri “Ciidamada qalabka sida oo aad taliyeyaasha u tihiin bil walba ma u helayeen? Ciidanka: Haa. “Haddee ogaada, wax horay loo arkey ma aheyn, waana waxa aad iga fileyseen aniga..laakin waxaan ku guuleysannay balantii dhankeenna in aan fulinno, aan idiin weydiiyo marka; Labadii sano adinka Shabaab maka xureyseen dalka?! Ciidanka: Aamusnaan! Farmaajo: Maka Xureyseen?! Ciidanka: Maya. Farmaajo: Marka ma la oran karaa taliyeyaashii waagaas joogay(2011-kii ula jeedaa” ayaa idiinka balan fiicnaa, oo wagaas Xamar ka xureeyey, oo igu yiri, 3 bil ayaan ku xureyneynaa, ma idiinka balan fiicnaayeen? Ciidanka: Haa.

Dhanka kale, agaasimaha xarunta Hiraal, Xuseen Sheekh Macallin Maxamuud oo arrintan kala hadlay Goobjoog News ayaa sheegay “ Arrinta uu madaxweyne Farmaajo sameeyey waa mas’uuliyad ka carar ama waxa ay Banaadirigu dhahaan ‘waa lagu kaarto baxay”,  ciidanku arrintaas ma qabato, In Shabaab laga adkaado ma aha wax u gaar ah ciidanka xoogga dalka, ee waa mid u taalo xukuumad, goleyaal iyo inay raali isaga yihiin dadka ay khuseyso. Waxaa la gudbooneyn isaga oo aan cidna eedin ama ku riixin inuu sheego gaabiska jira, mas’uuliyadda guul-darrada amniguna uu qaado, kadibna uu xal raadiyo.

Sida ku qoran qodobka 90aad ee dastuurka KMG ah, Madaxweynaha waa taliyaha guud ee ciidammada qalabka sida, Wuxuu ku dhawaaqaa Xaaladda Degdegga ah iyo Xaaladda dagaal, waana wax aan la fahmi karin sida hadda uu isaga fogeynayo balantii uu ka baxay ee aheyd inuu Al-shabaab dalka uga saaryo 2 sano.

Goobjoog News