U bood dhigaalka

Farmaajo oo Horay Dibadbaxyada Uga Aaminsanaa Iney Yihiin “Halgan iyo Kacdoon”

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo saaka mar labaad ka hor istaagay mucaaradka iney dibadbaxaan, isla markaana ay ciidamada amniga kala ceyriyeen dadkii bannaanbaxayey waxaa uu horay inta aanu madaxweyne noqon dibadbaxa ka aaminsanaa inuu yahay halgan iyo kacdoon gaar ahaan kuwa isaga lagu taageerayo.

Farmaajo oo mar ka hadlayey dad isaga dartii u dibadbaxayey oo la dilay waxaa uu yiri “Halganka meeshiisa hala socdo, kacdoonka waa socdaa, labadii qof ee Xamar ku dhimatay alla ha u naxariisto, labo qof ayaa ku dhimatay Xamar, mar walbo in la xusuusnaado waaye, hal qof magaciisa waan hayaa, qofka kale magaciisa markaan helo, meel kasta oo aan tageyno, inaan sheegno waaye, maxaa yeelay sidiina oo kale ayey usoo baxeen, laakin toodabaa dhamaatay, marka inaan xusuusnaado waa loo baahanyahay”

Famaaho oo markaas murashax ahaa waxaa uu khudbadiisa ku soo gabagabeeyey “Halganka waa soconayaa, ilaa Soomaaliya ay ka hesho dowlad rasmi ah,  oo cadaalad ah oo loo siman yahay”.

Waxaa xiran jidadka waaweyn ee magaalada Muqdisho xilli laga cabsi qabo dibadbaxyo ay qabtaan mucaaradka, ciidamada booliiska ayaa meel walba daadsan, waxaana la diiday isu socodka gaadiidka iyo xataa dadka meelaha qaar.

Goobaha aan la ogoleyn iney dadka socda u gudbaan waxaa ka mid ah jid cadayaasha gala xaafadda Buulo-xuubey ee dhanka Airportiga oo ka ag dhow guryaha iyo xarumaha murashaxiinta iyo mucaaradka dowladda.

Xirnaanshiyaha jidadka ayaa saameyn ku yeeshay ganacsiga Maka Al-mukarama, dadka ka shaqeeya Airporiga iyo xaafadaha u dhow.

Cismaan Xasan Cilimi oo ah guddoomiyaha xisbiga Kulan, kana tirsan mucaaradka oo la hadlay Goobjoog News ayaa yiri”In irdihii iyo jidadkii ay murashaxiinta la xiro, oo loo diidayo taageeryaasha iyo dadkii u imaan jiray, waa daandaansi iyo caburin, waxaa mas’uuliyadeeda qaadaya madaxweyne Farmaajo”