U bood dhigaalka

Farmaajo Oo Ka Hadlay Arrimaha Safaaradda Ay Soomaalida Ka iibsatay Washington

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  ayaa xalay xariga ka jaray safaaradda Soomaalida ka iibsatay caasimadda Mareykanka Washington.

Madaxweyne Farmaajo oo ay wehliyeen wasiirkiisa arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in hirgalinta dhismahan oo noqonaya dhismihii Safaaradeed oo ugu horreeyey ee dowladda Soomaaliyeed ay ku yeelato dalka Maraykanka ay muujinayso mudnaanta dowladdu ay siinayso soo celinta maaqaamka dalkeennu uu ku lahaa caalamka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku boorriyay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Maraykanka in ay wada shaqeyn dhaw la yeeshaan diblomaasiyiinta safaaradda, isagoo tilmaamay in dhismahaan uu yahay hanti ay leeyihiin shacabka iyo dowladda Federaalka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa muujiyay dadaallada ay dowladdu ku bixinayso soo celinta qabkii iyo sharafkii dadka Soomaaliyeed ay ku lahaayeen caalamka, haatanna la qorsheynayo si la mid ah tallaabadaan in dowladda ay u dhammaystiri doonto dhismaha iyo dayactirka Safaarado kale oo Soomaaliya ay ku leedahay dalal kale.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kula dardaarmay diblomaasiyiinta Soomaaliya ee Washington in ay si simman ugu adeegaan, si dhowna uga warqabaan dadkeenna Soomaaliyeed ee ay mataaladda u yihiin, muhiimna ay tahay in ay ilaaliyaan midnimadooda iyo wadajirkooda.

Goobjoog News