U bood dhigaalka

Farmaajo Oo Ka Soo Horjeestay Saldhigga Militari Ee Imaaraadka, Dalbadana In Ay Joojiyaan

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa dalka Sacuudiga Ka dalbaday In Imaaraadka Carabta ay Joojiyaan Saldhigga Militari Ee Berbera.

Madaxweyne Farmaajo ayaa boqortooyada Sacuudiga ka dalbaday in ay dhex-dhexaadiyaan Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, kana joojiyaan waddanka dambe damaciisa ah in uu saldhig militari ka sameyso magaalada xeebta ah ee Berbera.

Madaxweyne Farmaajo ayaa saldhigga military ee Imaaraadka kala hadlay kulan dhexmaray isaga iyo Amiir Maxamed Bin Salmaan Bin Cabdicasis oo ah ku xigeenka ninka sugaya dhaxalka boqortooyada Sacuudiga, waxaa kaloo kullanka joogay wasiirka arrimaha dibadda ee Sacuudiga Caadil Axmed iyo madax kale.

Farmaajo oo Sacuudiga booqasho ku tagay Khamiistii la soo dhaafay, waxaa muuqata in uu ka faa’ideysanayo xiriirka wanaagsan ee Sacuudiga iyo Imaaraadka, si Riyad ay Abuu-Dhabai uga joojiso dhismaha saldhigga military ee Berbera.

Go’aanka Muqdisho ay ku dalbaneyso joojinta dhismaha saldhigga military ee imaaraadka, waxaa uu jawaab cad u yahay sida Farmaajo  iyo maamulkiisa cusub aaney raalli uga aheyn tilaabada iyo heshiiska halka dhinac ah ee ay Imaaraadka Carabta la galeen maamulka gooni u goosadka ah ee Somaliland.

XIGASHO: Riyadh Post

Akhriso: Heshiiska Imaaraadka iyo Somaliland

Goobjoog News