U bood dhigaalka

Farmaajo oo Ku Adkeysanaya Kaqeybgalka iyo Guddoominta Shirka Afisyooni, Akhriso Cidda Ka Diiday!

Sheeko:Amniga

Shirka doorashada ee u dhaxeeya dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada ayaa lagu wadaa inuu si horudhac ah maanta furmo, iyada oo ay Muqdisho wada joogaan dhammaan maamul goboleedyada.

Ra’ísul wasaare Maxamed Rooble ayaa la sheegayaa in ay ku qanacsan yihiin maamul goboleedyada, isla markaana uu hoggaamin doona doorashada iyo amnigeeda, laakin wararka ayaa sheegaya in madaxweynihii hore ee u doonayo in la siiyo kursiga guddoominta shirka, taasi oo maamul goboleedyada ay diidan yihiin.

Goobjoog News ayaa ogaatay in labadii maalin ee tagay ay dhaceen kulamo dhex maray Farmaajo iyo ra’isul wasaaraha oo dhan ah iyo Farmaajo iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada ku ologga ah, isaga oo ku adkeystay inuu shirka tago, bal uu shir guddoonka lahaado.

Maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland iyo weliba musharaxiinta ayaa u arka iska daa guddoominta e, ka qeybgalka Farmaajo ee shirka inuu keeni kasro ismari waa iyo muran xagga ajendaha ah, sidaa darteedna aan loo ogolaan.

Farmaajo tan iyo markii uu wareejiyey doorashada iyo amnigeeda, waxaa uu ku go’doonsan yahay Villa Somalia, waxaa uuna raadinayaa qaab uu kusoo muuqan karo, waxaa guddoominta shirka Afisyooni u arkayey fursad, taasina waa laga diiday.

GoobJoog News