U bood dhigaalka

Farmaajo Oo Kulan Isugu Yeeray Golaha Amniga Qaranka

Sheeko:Dalka

Madaxaweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa kulan isugu yeeray golaha amniga qaranka, kaas oo lagu wado inuu dhaco dhammaadka April.

Lataliyaha amniga ee madaxweyne Farmaajo Cabdi Saciid ayaa bartiisa Twetterka soo dhigay jimcihii inuu kulanka dhici doono April 19-23.

“ Madaxweyne Farmaajo ayaa casuumay golaha amniga qaranka kulan dhici doona 19-23 April”. Saciid ayaa qoray.

Kulanka ayaa imaanaya todobaad kadib markii golaha ammaanka uu walaac ka muujiyey dib u dhaca ka yimid qorshihii amniga qaranka ee la saxiixay April 2017.

Goobjoog News