U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo Oo Magaacabay Saraakiisha Ugu Sareysa Xafiiskiisa

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ayaa magaacay saraakiil ka tirsanaan doonta xafiiska madaxtooyada, raggan waxaa ay u badan yihiin safiirro shaqo ka soo tagay.

Madaxweynaha Soomaaliya  Mudane Farmaajo waxaa uu  Xuseen Macalin Maxamud u magacaabay la taiyihiisa xagga ammaanka.

Dr. Cali Saciid Faqi  ayaa waxaa loo magacaabay agaasimaha madaxtooyada halka Siyaad Maxamud Shir loo magacaabay agaasaimaha Protocolka madaxtooyada.

Dr. Saciid, waxaa uu ahaa Danjiraha Soomaaliya uga wakiilka ah Dalalka Biljam, Holland iyo Luxembourg iyo Ururka Midowga Yurub.

Siyaad Maxamuud Shire  oo horay xildhibaan u soo noqday, waxaa uu ahaa Qunsulka Guud ee Jiddah.