U bood dhigaalka

Farmaajo oo Qas Ka Dhex Wada Baraha Internet-ka Ku Leeyihiin Maamul Goboleedyada iyo Guddiyada Doorashada

Sheeko:Amniga

Maamulka Farmaajo ayaa la sheegayaa iney qas iyo jahowareer ka dhex wadaan qaar ka tirsan bogagga rasmiga ah baraha bulshada Internet-ka ay ku leeyihiin qaar ka tirsan maamul goboleedyada iyo guddiga doorashada dadban.

Koox ka tirsan maamulka Farmaajo oo ku lug leh SEIT Hirshabelle ayaa bogga rasmiga ah ee Hirshabelle State ku daabacday in ay kursiga Fahad Yaasiin ee HOP086, madaxii hore ee Jawaasiista, oo FIET diiday in ay shahaado siiso toos ula aadi doonaan golaha shacabka, arrintaas oo la sameeyey iyada oo aaney la socon madaxtooyada Hirshabelle.

Qoraalka ayaa lagu sheegay “Sidaas darteed, maadaama Guddoomiyaha Gudiga uu ku kacay talaabooyin aan waafaqsanayn heshiisyadii iyo habraacyadii doorashada, waxay Guddiga SEIT ee Hirshabeelle si toos ah ugu gudbinayaan liiska rasmiga Xoghayeyaasha Labada Aqalka ee Barlamaanka Federaalka. Ugu dambeyntii, waxaan uga digeynaa gudiga FEIT in aan la siyaasadeyn habsami usocodka doorashooyinka dalka, lana dhowro heshiisyadii Golaha wadatashiga qaran, si looga fogaadaa wax kasto oo dib u dhac u keeni kara Doorashooyinka guud ee dalka””.

Dhankiisa, bogga madaxtooyada Koonfur Galbeed,  ayaa isna sheegay in galka xildhibaannada ay toos ugu wareejinayaan xogheyeyaasha labada aqal, iyaga oo sheegay “ Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed wuxuu u arkaa tallaabada uu qaaday Mudane Muuse Geelle Yuusuf ee uu ku bartilmaameedsaday kuraas deegaanno gaar ah laga soo doortay inay tahay mid sharci darro ah oo khilaafsan heshiisyadii iyo habraacyadii doorashooyinka. Maadaama Guddiga uu lumiyay waajibaadkii loo igmaday iyo madaxbannaanidii laga sugayay, hoggaanka SEIT oo kaashanaya xubnaha Guddiga Hirgelinta Heer Federaal ee ka hawl galayay Koonfur Galbeed waxay si toos ah ugu wareejinayaan faylasha xildhibaannada Xoghayeyaasha Labada Aqal ee Barlamaanka JFS”.

Xildhibaannada Hirshabelle ayaa qeyb ka mid ah waxaa ay qaateen shahaadad FEIT, iyaga oo waxba kasoo qaadin hadalka SEIT Hirshabelle ee bogeeda la maamulo halka kuwa Koonfur Galbeed aaney tagin xarunta FEIT oo ay u hoggaansameen waxa lagu daabacay barta South West State.

Maamulka Farmaajo ayaa inta muddo qas iyo isku dir ka dhex waday baraha bulshada ee FEIT, SEIT iyo xataa guddiga khilaafaadka, iyaga oo daabici jiray warar beenabuur iyo iska hor keenis ah, taasi oo markii dambe laga fara maroojiyey, laguna wareejiyey guddiyada iska leh, waxaase muuqato in weli ay ku lug leeyihiin baraha bulshada ee maamul goboleedyada qaar sida Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed.

Waxaa maanta si caadi xarunta FEIT uga socota shahaado bixinta halka xildhibaannada ay usii gudbayaan xarumaha golaha shacabka iyo aqalka sare si ay u qaataan ID-yo aqoonsiga xildhibaanka ah.

Goobjoog News