U bood dhigaalka

Farmaajo oo Ra’isul wasaare Ka Dhigay Shakhsi Ku Cusub Saaxada iyo Saamileyda Siyaasadda, Waa Kuma?

Sheeko:Baarlamaanka

Madaxweyne Farmaajo ayaa ra’isul wasaare u magacaabay Maxamed Rooble kaas oo aan horay loogu arag saaxada ama xaataa saamileyda siyaasadda.

Magacaabista Rooble ayaa waxaa ay timid saacado yar uun kadib war-murtiyeedkii arrimaha doorashada  kaas oo geedi-u-socodka doorashada ay ka heshiiyeen DF, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Ra’isul wasaaraha la magacaabay waxaa uu ku dhashay Hobyo, Galmudug 1963-dii, waxaa uu leeyahay dhalasho Swedish ah iyo 5 caruur ah, waxaa uuna wax ku bartay jaamacadaha umadda, Royal Institute of technology iyo  Jaamacadda Bimingham, waxaa Injineer jidadka iyo horumarinta.

Maxamed Rooble waxaa uu horay ula soo shaqeeyey hey’adda shaqaalaha adduunka, waxaa kale oo UNka kala shaqeeyey mashaariic badan oo dalka laga hirgeliyey sida Baydhabo, koonfurta iyo bartamaha, Somaliland iyo meelo, oo lacago badan ay ku bixiyeen UN-ka iyo beesha caalamka.

CV-giisa oo ay aragtay Goobjoog News waxaa uu Maxamed Rooble leeyahay waxaa uu xiriir fiican iyo aqoon igala dhaxeeyaa dowlad goboleedyada iyo Somaliland iyo beesha caalamka, waxaa uuna balanqaadayaa galaangal dhankaas ah.

Ra’isul wasaaraha la magacaabay haddii la anisixyo waxaa hortaalla arrimo ay ugu horeeyaan hirgelinta heshiiska doorashada, la shaqeynta labada aqal ee baarlamaanka, horumarinta federaaleynta iyo arrimo kale uu Farmaajo ku fashilmay.

Goobjoog News