U bood dhigaalka

Farmaajo oo Salka Dhigi La’

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa 15 maalin gudaheed waxaa uu markii 2-aad safar ku tagayaa dalka  Eritrea.

Arrintan ayaa la dambeysay kadib markii uu shir isugu wacay ra’isul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed, shirkan oo saddex geesood ah waa madaxweeyneyaasha Eritrea iyo Soomaaliya Isaias Afwerki, Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Shirkan lama sheegin wax ajende ah sida la mid ah midkii ay 10-kii bishan ay Asmara ku yeesheen  Isaias Afwerki iyo Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Labada safar ee Asmara waxaa u dhaxeysay safar kale oo uu madaxweyne Farmaajo ku tagay dalka Cummaan halkaasi uu uga qeyb galay tacsida Suldaan Qaabuus.

Farmaajo ayaa noqday madaxweynaha ugu safarka, isaga oo 100 safar wax badan u galay micno darro halka siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ay tahay mid cakiran.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo si ka duwan madaxweynihii ka horeeyey ee Xasan Sheekh waxaa uu qeyb ka noqday loolanka Khaliijka, isaga oo la kala saftay dhinacyada halkaasi isku haya, waxaa intaas dheer isaga oo aaney is arkin dalal dariska sida Kenya iyo Djibouti.

W/Q: Cabbicaziz Gurbiye

Goobjoog News