U bood dhigaalka

Farmaajo oo Saxiixay Xeerka Lagu Muransanyahan ee Saxaafadda

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa la sheegayaa inuu  saxiixay xeerka muranka badan dhaliyey ee saxaafadda.

Xeerkan oo maanta lagu wado in uu wasiirka warfaafinta ku dhawaaqo ayey saxaafadda in badan muran ka keentay, sida:

(1). Kaalinta wasaaradda warfaafinta ee soojeedinta, 9-ka xubin oo ay 3 ku lahaadaan, xulista iyo xataa shaqo siinta ama ceyrinta guddiga saxaafadda.

(2). Maxkamadda ku shaqada leh  iyo ciqaabta la marsiinayo saxafiga.

(3). Rukhsad bixinta iyo arrimaha la xiriira.

(4). Guud ahaan saameynta xeerka ee saxaafadda.

Saxaafiyiinta Soomaaliyeed ayaa kulamo la qaatay baarlamaanka federaalka ah, dowlad goboleedyada iyo xataa Farmaajaha  qudhiisa si loogu qanciyo in xeerkan uu caqabad ku yahay xuriyadda hadalka iyo saxaafadda, laakin dheg jalaq looma siin.

Farmaajo waxaa uu xeerkan heystay tan iyo sanadkan bilowgiisa iyada oo inta uu xeerka agyaallay saxafiyiin badan lagu qaaday xeerar duugoobey oo uu ku jiro xeerka ciqaabta.

Waxaa xusid mudan in aanu xeerkan cusbeyn, ee hadda dib u eegis uun lagu sameeyey, ee uu horay u saxiixay madaxeweyne Xasan Sheekh January 9, 2016, waxayna sidoo kale kusoo baxday faafinta rasmiga ah, laakin maamulka Farmaajo waxaa uu saxafiyiintii la maxkamadeeyey u diiday in ay loo adeegsado xeerkaas oo madaxweyne Xasan horay u saxiixay iyada oo lala aaday xeerka ciqaabta iyo xeerar kale oo ay isticmaalaan gumeysteyaasha iyo keligiitaliska.

Intii uu Farmaajo madaxweyne ka ahaa Soomaaliya waxaa aad u yaraaday ama la waayey guud ahaan xuriyadaha ku xusan dastuurka KMG ah gaar ahaan saxaafadda sida qodobka 18aad ee “Xorriyadda Ra’yiga iyo Afkaarta”,  Qodobka 20aad: Xorriyadda Kulanka, Bannaanbaxa, Cabashada iyo Codsi-wadareedka, Qodobka 21aad. Xorriyadda Isu-socodka iyo Degitaanka, Qodobka 22aad. Xaqa Ka-qaybgalka Siyaasadda, Qodobka 23aad. Xorriyadda xirfadda, Shaqada iyo Mihnadda iyo Qodobka 32aad. Xaqa helidda macluumaadka”.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada