U bood dhigaalka

Farmaajo oo Sheegay in Kheyre Ay sii Wada Jooji doonaan Sanadka Haray

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo shalay kulan gaar ah la qaatay  jaaliyadda Soomaalida ee Kenya ayaa sheegay in 3-dii sano oo ay joogeen ka shaqeeyeen xasilooni siyaasadeed.

Madaxweynaha oo arrinkaas ka hadalaya waxaa uu yiri “Waxaan aaminsanahay in aan ku soconno 3 sano, 3 sano aan joognana waxaan aaminsanahay in wax badan  noo hagaageen,  howl badan, oo aad u fara badanna ay noo dhiman tahay, waxyaabaha aan ku guuleysanay waxaa ka mid ah: in aan fahmay caqabadaha dalka heysta, runtii dowlad ahaan wax heerkan na soo gaarsiiyey, oo u eg in aan fadhiid nahay, oo aanu horay u socon waxaa ay aheyd xasilooni siyasaadeed la’aan, dalku xasilooni siyaasadeed ma laheyn muddo dheer, waad la socotaan dalku waxaa hormaraa marka siyaasadiisa ay degan tahay, dadka mas’uuliyiinta wada shaqeyn leeyihiin, shacabku fahamsan yihiin dowladooda meesha ay u socoto, waxay aheyd arrin aan ka gaabinay, laakin innagu aan fahamnay, in dowladdu ay xasilan tahay, madaxweynaha iyo PM-ka wada shaqeyn leeyihiin, xukuumadda iyo baarlamaanka wada shaqeyn leeyihiin, shacabka iyo dowladda wada shaqeyn leeyihiin,

Madaxweyne Farmaajo waxaa uu  rajeynayaa in isaga iyo ra’isul wasaare Xasan Kheyre ay sii wada joogi doonaan sanadka haray“Waxaa ugu horeeya oo dhibaatooyinka inta badan ka taagnaan jireen waa madaxweynaha iyo PM-ka, 3 sano waa xalinay arrintaas, waxaan rajeynayaa sanadka noo harayna in aan ku dhameystirno inuusan dhicin xasilooni la’aan siyaasadeed ineysan dhicin.

Farmaajo ayaa safar shaki badan ku jooga magaalada Nairobi, lamana oga ujeedkiisa  rasmiga ah ee uu halkaasi u tagay, mana jirto cid wax ka og jadwalkiisa shaqo iyo cidda uu la kulmayo.

Goobjoog News