U bood dhigaalka

Farmaajo Oo Tagaya Itoobiya

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane, Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa lagu wadaa inuu maanta oo jimaca ah tago Magaalada Gondar, Gobolka Baxar-daar ee Dalka Itoobiya.

Mr. Farmaajo waxuu halkaas kula kulmi-doonaa  ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweynaha Eritrea Isaisas Afwerk.

Kulankan ayaa waxa uu isku xirayaa natiijooyinkii kasoo baxay heshiiska Shirkii is-dhex galka dhaqaalaha ee ay Waddamada Gobolka ku yeesheen Magaalada Asmara ee Dalka Eretrea Laba Bil ka hor.

Dhinaca kale,  warbaahinta Itoobiya ayaa tabisay in Adis Ababa dhisan-doonto ciidamo badda ah oo saldhig ka sameysta badweynta Hindiya iyo badda cas.

General Berhanu Jula waxaa laga soo xigtay inuu dhahay waa in aan saameyn ku yeellano badda, isaga oo intaas raaciyey in dalal meel fog ka yimaadaan arrintaas darteed. Jula waxaa uu hadalkiisa ku soo gabogabeeyey inay yihiin 100 milyan isla markaana aaney macquul aheyn inay sii ahaadaan bad la’aan.

Goobjoog News