U bood dhigaalka

Farmaajo Oo Turkiga Ku Hakaday Kadib Lugtiisii Talyaaniga

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ku sugan dalka Turkiga, iyada oo ujeedku yahay sida la sheegay inuu la kulmo dhiggiisa Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogaan.

Turkiga waa dalka keliya ee sanadkan laga filaayo inuu miisaaniyadda kabo, isaga oo bixin-doon:  30,000,000, waxaana xusid mudan inuu sanadkii horena ahaa dalka keliya ee sidaasi sameeyey.

Marka kabidda miisaaniyadda laga soo tago, Ankara waa dalka keliya ee mashaariic horumarineed iyo maalgeshi ka fuliyey gudaha Soomaaliya.

Farmaajo waxaa uu ka yimid dalka Talyaaniga halkaas uu ku tagay booqasho 3 maalin aheyd, isaga oo gabagabadii booqashadiisa hadlaya wuxuu yiri “Waxaan aad u mahadcelinayaa Madaxweyne Mattarella, Ra’iisul Wasaare Conti iyo Afhayeennada labada aqalka sida dirran ee ay noo soo dhaweeyeen aniga iyo wafdigayga. Soomaaliya iyo Talyaaniga waxay si wadajir ah uga shaqeynayaan sidii aan horumar faa’iido wadaag ah aan u gaarsiin lahayn labadeenna shacab.” .

Goobjoog News