U bood dhigaalka

Farmaajo Oo U Duulaya Sacuudiga, Akhriso Ajendaha

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu u duulo dalka Sacuudiga si uu uga qeyb galo shir madaxeedka  Jaamacadda Carabta ee ka dhacaya magaalada Dhahraan.

Shirkan ayaa sida la shaaciyay waxaa xoogga lagu saarayaa arrimaha Falastiin, Suuriya, Libya iyo in la taageero Lebnon, taageeridda nabadda iyo horumarka Suudaan iyo Comoros , arrimaha kale oo la filayo waxaa ka mid ah arrinta Qudus iyo dagaalka Mareykanka ee Suuriya.

Sanadkan ajendaha laguma soo darin labo qadiyad oo carabta ka taagan, arrinta xiisadda Khaliidka iyo faragelinta Imaaraadka ee arrimaha Soomaaliya.

Goobjoog News