U bood dhigaalka

Farmaajo: Shacabka Waxa Ay Sugayaan Difaaca Ciidamada

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha JFS  Maxamed C/laahi farmaajo ayaa kormeer ku tagay xeryaha ciidamada Xoogga Dalka ee ku yaalla duleedka Magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ku lahadlay qaar ka mid ah Ciidamada ku jiray xeryahaas.

Madaxweye Farmaajo waxaa ka mid ah xeryaha uu tagay xerada Bangala ee ciidanka Xoogga Dalka, halkaas oo uu madaxweynuhu kormeeray qaybaha ay ka kooban tahay xeradaas.

Madaxweynaaha  ayaa sidoo kale kormeer ku  tagay  xerada Ciidamada ee Generaal Dhagabadan  oo uu tababar uga socdo Ciidamo kala duwan.

Faraamajo ayaa khudbad kooban uu jeediyey ciidamada tababarka ku jira waxa uuna ku dhiirrigaliyey difaaca dalka waxa uuna yiri:

“Waxa ay sugayaan dadka shacabka ah waa difaaciinna, waa dhallinyaradiinaan waxa ay difaaca ka sugayaan, sidaar darteed waa in aan u istaagno si aan u difaacno shacabkeenna iyo diinteenna, oo aan uga difaacno qolooyinkaan hororka ah oo islaamnimada sheeganaya balse ku xad-gudbay diinteennii wangaagsaneyd oo banneystay dhiigga umnadda Soomaaliyeed waxa ay wada gaaleysiyeen guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, waxa ay u diiddan yihiin ummadda Soomaaliyeed in ay la simaan shucuubta kale ee aduunka.”

Goobjoog News