U bood dhigaalka

Farmaajo“ Shacabka Waxaan Leeyahay Dowladdii Aad Rabteen Waa Hesheen,”

Sheeko:Dalka

Maxamed Cabdulahi Farmaajo, Madaxweynaha federaalka ah ee Soomaaliya oo la hadlayey shacabka dhaarintii kadib ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo isbadalka ka dhacey dalka.

Maxamed Farmaajo ayaa ugu horeyntii u mahadceliyay Xildhibaannada baarlamaanka sida ay uga jawaabeen rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, waxaa kaloo uu si gaar ah ugu mahadceliyay shacabka sida ay doorashada u soo dhaweeyeen.

Shacabka waxaa leeyahay, wixii aad rabteen waa hesheen, adinkaa ah dowlad ku sheqeysa shacabka, dowlad ku dhisan shacabka, dareenka shacabka iyo rabitaankana ku shaqeysa, shacabka waa ay heleen dowladdii ay rabeen, aniga waxaa uu qorshaheygu yahay in dowladda ay noqoto dowlad shacab ah, shacabka iyo dowladdana ay isku xirnaadaan oo la wada shaqeeyo amniga iyo dhaqaalaha”.

Ugu dambeyntii waxaa uu soo jeediyay in uu dhawwaan jeedin doono khudbad dheer, inta ka horeysana ay shacabka qeyb ka noqdaan sugidda ammaanka.

Farmaajo, Waxaa uu Arbacadii noqdey madaxweynihii 9-aad ee Soomaaliya, waxaana lagu wadaa dhawwaan in suu soo dhiso xukuumad ka tayo badan midda hadda jira.

Goobjoog News