U bood dhigaalka

Aqoonyahanno Sheegay In Farmaajo Aanu Awood u Laheyn Inuu Galo Iskaashi Goboleed Siyaasadeed

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo xalay ka hadlayey xiriirka dalalka geeska Afrika ayaa sheegay in isaga iyo Abiy Axmed ay ka wada hadleen sidii ay labada dal u yeelan lahaayeen iskaashi dhaqaale, mid siyaasadeed iyo mid amni.

Haddaba, aqoonyahanno la hadlay Goobjoog News ayaa baa’biyey hadalka madaxweyne Farmaajo iyaga oo sheegay in aaney jirin cid isaga wakiilatay,  isla markaana aanu awood dastuuri ah u laheyn inuu galo wax heshiis siyaasadeed ah, arrintaasina ay u taalo shacabka Soomaaliyeed iyo cidda ay doortaan.

 Guddoomiyaha machadka Hiraal Institute Xuseen Macalin Maxamuud oo arrinkan ka hadlay wuxuu sheegay in siyaasadda ay tahay mid gudaha ah, oo ku saabsan madaxbannaani , oo aan laga geli karin heshiis “Dalalka waxaa ka dhaxeeyo oo ay ka wada hadli karaan xiriir diblomaasiyadeed, oo ah xiriirka arrimaha dibadda, Laakin siyaasadda waa local arrimaha gudaha ah, taasi oo ku dhisan madaxbannaani, lagama galo wadahadal”.

Xuseen Macalin  Maxamuud waxaa  uu intaas ku daray in haddii loo raaco hadalka madaxweyne Farmaajo ay ka dhigantahay labo arrin oo khatar ah “Marka hadalkan Farmaajo ee ah iskaashi siyaasadeed waa labo arrin midkood uun: Waa wax isku darsigii uu horay u sheegay Abiy Axmed inay run tahay ama inay tahay siyaasaddeena soo farageli, oo dadka ii caburi, oo fasax la siinaayo”.

Dhinca kale, Mursal  Saney, Agaasime ku-xigeenka machadka Heritage ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo aanu ku imanin doorasho shacab, isla markaana aanu geli karin heshiisyo siyaasadeed “Shacabka masoo dooran 3-dan mas’uul, mid waa kaligii-taliye, labada kalana doorasho kuma iman, midowga siyaasadeed inta aan la sameyn, waa inay khubaro fariistaan, oo la darso, siyaasadda go’aan uma gaari qof siyaasasi ah, waa mid shacabka u taalo, marka ka hadalka iskaashi siyaasadeed, mid meesha ku jirto ma aha”.

Agaasime ku-xigeenka machadka Heritage, Mursal  Saney, waxuu qabaa inay shacabka ay leeyihiin go’aanka kadib marka ay ogaadaan waxa lagu shuraakoobayo “Marka laga hadlaayo iskaashi siyaasadeed waa Shuraako, siyaasad shirko ma gasho, waa in shacabka ogaadaan waxa lagu shuraakoobayo”.

 Guddoomiyaha machadka Hiraal Institute Xuseen Macalin Maxamuud iyo Mursal  Saney, Agaasime ku-xigeenka machadka Heritage waxaa ay labadaba soo qaateen midowga Yurub oo ay sheegeen in si loo midoobo wada hadal badan laga galay, shucuubtana raalika ahaayeen, lana ogaa wax la isku darsanayo iyo wax kale.

Goobjoog News,