U bood dhigaalka

 Farmaajo: Xadeynta Badda Soomaaliya Waxay Ku Qanacdaa Go’aanka ICJ

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay tan iyo markii la doortay waxaa uu caawa khudbad dheer ka jeediyey jimciyadda Qaramada Midoobey isaga ka hadlay arrimo badan oo xaaladda dalka ah, waxaa kale uu carabka ku adkeeyey in Soomaaliya ku qanceyso go’aanka xadeynta maxkamadda ICJ.

Madaxweyne Farmaajo waxaa uu Kenya ku ammaanay kaalinta ay ka qaadatay arrimaha Soomaaliya iyo xiriirka walaaltinnimo ee ka dhaxeeya labada dhinac, laakin waxaa uu xusay iyada oo sidaa ay tahay inuu jiro muranka badda oo muddo socday.

Madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu jimciyadda qaramada midoobey u sheegay in markii hore arrinta muranka badda la isku dayey in xal wada hadal ah wax lagu dhameeyo, taasi oo markii lagu guuldareystay ay Soomaaliya aaday maxkamadda qaramada midoobey ee ICJ.

Mudane Farmaajo waxaa uu sheegay in maxkamadda ay qabatay dacwada sheegtana iney geli karto, sidaasi darteed ay Soomaaliya sugeyso dhageysiga la filayo todobaadka ugu horeeya ee bisha November 2019.

Madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu carabka ku adkeeyey in go’aanka maxkmadda uu yahay mid kama dambeys ah oo cid walbo u hoggaansami doonto Soomaaliya iyo Kenyaba, isaga oo intaasi raaciyey in dalkiisa uu ku qancayo xadeynta maxkamadda ICJ.

Ugu dambeyntii Madaxweyne Farmaajo waxa uu beeniyey in golaha nabadda iyo amniga uu sheegay in badda ka wada hadleen sida uu sheegay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, isaga oo qeexay in golaha uu caddeeyey in aanu geli karin kiis ay gacanta ku heyso ICJ.

Madaxweyne Maxamed Cabdulahi Farmaajo waxaa kale uu hadlay dhaqaalaha dalka, amniga, waxbarashada iyo cilmilada, arrimahan oo faahfaahsan waa inoo qormooyinka xiga.

Goobjoog News