U bood dhigaalka

Faroole “Madaxweyne Xasan Ha Yimaado Gaalkacyo”

Sheeko:Dalka

Madxweynihii hore ee Puntland haatanna ah Senator ka tirsan aqalka sare ee baarlamaanka C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa ugu baaqay madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu tago magaalada Gaalkacyo si loo damiyo dagaallada magaaladaasi ku dhexmaraya maamullada Puntland iyo Galmudug.

Faroole ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu xallin karo waxyaabo badan oo laga yaabo inaanu xallin Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Madaxweyne Xasan Sheekh ha yimaado Gaalkacyo, waana looga fadhiyaa, waxyaabo badan baa jira oo Ra’iisul wasaaraha kaligiis maareyn karin, tuhumo badan baa jira, si looga baxo tuhumadaasi waa inuu madaxweynaha yimaado Gaalkacyo, haddii uusan madaxweynaha goobta imaan yaa xallinaya haddii la is mari waayo oo qolo adkaato, waxa Gaalkacyo ka jira waa arrin qaran, magaalada Gaalkacyo waa magaalo la wada deggan yahay, waa in lasoo afjaraa dagaalka Gaalkacyo” ayuu yiri C/raxmaan Faroole.

Dhinaca kale C/raxmaan Faroole ayaa ugu baaqay maamullada Puntland iyo Galmudug iney joojiyaan dagaallada Gaalkacyo, islamarkaana wax walbo lagu dhameeyo miiska wada hadalka.

Dagaallo xooggan oo u dhaxeeya Puntland iyo Galmudug ayaa maanta ka soconaya magaalada Gaalkacyo, waxaana dagaalladaasi ay sababeen khasaare iusgu jira dhimasho iyo dhaawac.

Goobjoog News