U bood dhigaalka

Faroole Oo Cod Aqlabiyad Leh Ku Helay Kursiga Aqalka Sare

Sheeko:Baarlamaanka

Goo dhow waxaa soo dhammaatay doorashada Kursiga Labaad ee Puntland kaga soo aadey aqalka sare, iyadoo ay kursigaasi uy tartamayeen musharraxiinta kala ah C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole iyo Cabdi Mahdi Abshir.

Waxaa codeynayey 65 xildhibaan oo Puntland ah, C/raxmaan Faroole ayaa helay codad gaaraya 59, halka Cabdi Mahdi uu helay 5 cod, waxaana xumaaday 1 cod, sida guddiga doorashada ay shaaciyeen.

Xildhibaannada Puntland ayaa billaabi doona codeynta kursiga Saddexaad ee Aqalka sare, iyadoo lagu wado in maanta ay xildhibaannada doortaan guud ahaan 11 xubin ee Puntland kaga soo aaddey Aqalka Sare.

Warkaan wixii kusoo  kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News