U bood dhigaalka

Farriin Ku Aadan Munaasabadda Maalinta Qaramada Midoobay 24 Oktobar 2014 ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Sheeko:Dalka

Qaramada Midoobay ayaa loogu baahanyahay si ka badan sidii hore waqtigan oo ay jiraan dhibaatooyin badan. Saboolnimo, cudur, argagixiso, takoorid iyo isbedelka cimilada ayaa keenay dhimashada iyo dhaawaca dad badan. Malaayiin dad ah ayaa weli waxaa haysta dhibaatooyinka dhiigmiirashada cambaareynta mudan ee ka timaada ku shaqeysiga qasabka ah, ka-ganacsiga dadka, adoonsiga xaga galmada ah ama xaaladaha aan laysku aamini karin ee ka jira warshadaha, beeraha ama fagarayaasha iyo goobaha macaadinta laga qodo. Dhaqaalaha aduunku weli waa garoon ciyaar oo aan sinnayn.
Asaaskii Qaramada Midobay wuxuu ahaa ballanqaad adag oo rasmi ah oo loo sameeyay dadyowga aduunka in la soo afjaro weerarrada noocaas ah ee  lagu hayo karaamada bani’aadamka iyo in loo horseedo mustaqbal wanaagsan. Waxaa jiray dib-u-dhacyo xanuun badan, waxaana harsan shaqo badan si loo xaqiijiyo aragtida Cahdiga Qaramada Midoobay. Laakiin waxaa dhiirigelin inoo ah guulihi aan gaarnay.
Himilooyinka Horumarinta Kunleyda ah ee Qaramada Midoobay ayaa dhiirigeliyay ololihii ugu guusha badnaa ee weligeed loo qaaday dabargooynta saboolnimada. Heshiisyada Qaramada Midoobay ee wax ka qabashada sinaan la’aanta, jirdilka iyo midab kalasooca ayaa ilaaliyay/difaacay dadka, iyadoo ay jiraan heshiisyo kale oo deegaanka ilaaliyay/difaacay.

Nabad ilaaliyeyaasha Qaramada Midoobay ayaa kala dhexgalay xoogagga colaadda ka dhexeysa, dhexdhexaadiyeyaasheena waxay xalliyeen khilaafaad, shaqaalaheena gargaarkana waxay daka gaarsiiyeen gargaar nolol lagu badbaadinayo.
Waqtgan xasaasiga ah, aynu mar kale sii adkeyno ballanqaadkeenii ahaa awood-siinta dadka la liido iyo kuwa dhibaatada u nugul. Munaasabadda Maalinta Qaramada Midoobay aawgeed, waxaan ugu baaqayaa Dowladaha iyo shakhsiyaadkaba inay ka shaqeeyaan danta guud iyo wanaagga guud.