U bood dhigaalka

Farxaan Cali Xaad “Qaraxa Aad Ii Geysateen Waajibkiisa Ayaa La Idin Marin Doonaa” (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Farxaan Cali Xaad oo ah gudoomiye ku xigeenka Koowaad maamulka gobalka Mudug ee Puntland ayaa faah faahin ka bixiyay qarax Miino oo shalay lagula eegtay magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug.

Gudoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in hadda xaaladiisa ay tahay mid wanaagsan, islamarkaana shaqooyinkiisa uu si caadi ah u wadanayo, isaga oo tilmaamay in cidii qaraxa la eegatay baaritaan lagu hayo islamarkaana lasoo qaban doono.

“Qarxa Aad Ii Geysateen Waajibkiisa Ayaa La Idin Marin Doonaa, ciidamada amaanka waxaan farayaa in ay deg deg kusoo qabtaan dadkaan dhagar qabayaasha ah, hadii aad lahaydeen wuu dhintay, maanta aniga waan noolahay, waxaana idiin sheegayaa in shaqadeyda aan wadan doono, cid aan howsheeda uga hibeysanayo malahan” a yuu yiri Farxaan Cali Xaad

Dhanka kale gudoomiye ku xigeenka ayaa mar uu ka hadlayay qaabka ay wax u gaareen ayuu sheegay in Lugta iyo gacanta bidix dhaawac fudud kasoo gaareen, xaaladiisuna tahay mid wanaagsan.

“Lug bay wax iga gaareen, anniga oo raba inaan waajibaadkayga maalmeed guto ayaa qaraxu igu dhacay,kuwii ii gaystay ha ogaadaan in Ilaahay wax dilo, waxaan ku joojinayo shaqada aan hayo ma aha’’ ayuu hadalkiisa raaciyay.

Shalay ayaa qarax Miino waxaa lala eegtay gaariga uu saarnaa gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee maamulka Mudug ee Puntland, xilli uu marayay waqooyiga magaaladaasi.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News