U bood dhigaalka

Faysal Cali Waraabe: Dowladda Federaalku Awood Uma Laha Inay Wax Ka Beddasho Heshiiskii Berbera

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID, Faysal Cali Waraabe oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya aanay waxba ka beddali karin heshiiskii Somaliland iyo DP World.

Waxa uu tilmaamay in dekadda Berbera heshiiskeeda ay wax ka beddali karto oo kaliya Somaliland, wixii kasoo harayna ay yihiin dalal deris ah oo iska hadlay, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Kolley heshiiskan Saddex-geesoodka ah waxba kama bedali karto dowladda Xamar, Somaliland oo kaliya ayay arrinkaasi u taallaa, haddee wax kale oo innaga iyo Xamar ina dhexyaalla ma jiraan, oo aan Soomaalinimada iyo Muslinnimo ka ahayn” ayuu yiri Waraabe.

Sidoo kale, Faysal Cali Waraabe oo hadalka sii wata ayaa yiri “Ra’iisulwasaaraha Xasan Cali Kheyre marka uu ka hadlayo Berbera miyuu illoobay inaanu tagi karin degmadii uu kasoo jeeday, annagu cidna dhegta jalaq u siin meyno, meelihiina ka qayliya baanu leennahay reer Koonfurow”

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Toddobaakii tagey sheegtay in aysan waxba kala socon heshiiskii dekadda Berbera ee Somaliland, Itoobiya iyo DP World.

Goobjoog News