U bood dhigaalka

Faysal Cali Waraabe: Isma Lahayn Hargeysa Waxay u Darsan Doontaa Dadkii Xamar Laga Soo Magacaabi Jiray

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID ee Somaliland, Faysal Cali Waraabe ayaa waxqabad xumo ku eedeeyey xukuumadda Muuse Biixi oo uu sheegay iney dayacday magaalada Hargeysa.

Wuxuu sheegay Waraabe in muddo 28 sano ah aanay jirin xukuumad dhistay waddooyinka magaalada Hargeysa waxna u qabata shacabka Somaliland, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Guddoomiyaha xisbiga UCID oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in ay muuqato Hargeysa iney u darsatay dowladda uu hoggaaminayey Allaha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre.

“Isma lahayn Hargeysa waxay u darsan doontaa dadkii Xamar laga soo magacaabayey, weli waxaan ku shaqeysannaa dhismayaashii ay dadkaas dhisee, 28 sano ma jirto cid wax qabatay” ayuu yiri Waraabe.

Ugu dambeyn, Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in ay la kulmi doonaan madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, islamarkaana haddii aanu waxba u qaban shacabka isku soo bax sameyn doonaan.

Goobjoog News