U bood dhigaalka

Faysal Cali Waraabe oo aan Ka Wareysannay Wadahadallada Soomaaliya, Khaatumo Iyo Ol’olihiisa Doorasho

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Ing.Faysal Cali Waraabe oo aan la yeellanay wareysi gaar ah ayaa ka hadlay wadahadalka ay khaatumo ay kula jiraan iyo tartanka madaxtinimada Somaliland.

Guddoomiye Faysal oo ah musharraxa xisbiga Ucid u matalaya tartanka madaxtooyada Somaliland ayaa sheegay in wadahdalka ay Khaatumo kula jiraa sida ugu dhakhsiyaha badan u soo afjarayaan, waxaana hadalkiisii ka mid ahaa:

“Annagu dadkayaga waan mideynaynaa, group kasta oo Somaliland wax ka tabanaya in la wada fariisto danta dalka iyo ummadda laga hadlo, waxaan jecel nahay inaan si dhekhsiyo ah u soo afjarno oo annagoo midaysan aan doorashooyinka galno, sida Soomaaliya shisheeye nooma taliyo ee annagaa tashanna, waa cadadayadii hore ee aan nabadda ku dhalinnay 1991-kii tii umbayna dabasocotaa”.

Mar aan wax ka waydiinnay ol’olihiisa doorasho iyo halka ay wax u marayaan ayaa waxa uu ku jawaabay:

“Annagu hadda ol’ole ma’aanu gaadhin abaar baan la tacaaleynaa, abaartu marka ay naga dhamaato ayaanu bisha July galeynaa(Doorasho), markaasna waxaan jecelnahay ol’ole fiican oo aan qabyaalad ku saleysnayn, laaluush ku saleysnayn oo ku saleysan barnaamij iyo waxaan qabaneynno inaan galno”.

Musharrax Faysal oo aan wax ka wayddiinnay wadahadalka dowladda Federaalka ah iyo Somaliland ayuu ka hadlay iney jiraan caqabado hortaagan oo ay ku jiraan doorashooyinka hadda laga filayo maamulkooda iyo tan ka socota Soomaaliya, laakiin ay ka war sugayaan hoggaanka cusub ee labada dhinac.

“Haddaan soo baxo sheekada Somaliland iyo Soomaaliya waan soo afjarayaa haddii Alle yidhaah, sidii labo dal oo wanaagsan oo is barbar yaalla aan uga shaqeyn lahayn, tiinna hadda burburtayna aan u hagaajin lahayn oo sharaftii iyo qabkii Soomaalida u soo celin lahayn oo shisheeyaha aanu ka saari lahayn oo innagu nin wadaad ah iyo nimaan ahayamba isku dadbaanu nahaye aanu u wadahadli lahayn, ayaan ka shaqeyn doonna”, ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Shir ay iskugu yimaaddeen madaxweynaha Somaliland iyo madaxda Saddexda xisbi siyaasadeed ee Kulmiye, Waddani, Ucid ayaa la isku afgartay in doorashada madaxtinimo ee maamulka la qabto 10.10.2017 iyadoo marqura ay wada dhacayso doorashada madaxtooyada iyo tan Aqalka Wakiillada.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada