U bood dhigaalka

Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Qandaraas La Siiyay Shirkadda SKA

Sheeko:Dalka

Shirkadda SKA ayaa la siiyay qandaraaska dhisme laga fulinayo ilaha dhaqaale ee magaalada Berbera ee waqooyiga Soomaaliya, guddoomiyaha xibsiga Ucid Faysal Cali Waraabe oo arrintaasi ka hadlay waxaa uu  sheegay in tani ay fursad weyn u tahay umadda Soomaaliyeed.

Xubno ka socda shirkaddaani oo gaaray Berbera ayaa sheegay inay u tageen sidii ay qeyb uga qaadan lahaayeen maalgashi magaalada lagu sameeyo.

Guddoomiye Faysal Waraabe ayaa sheegay in Berbera ay si fiican xoogga horumarka iyo dhaqaalaha ay Somaliland kaalin wanaagsan ka ciyaari doonto.

“Waad aragtaan wafdiga waxaa waaye waa Shirkad la yiraahdo SKA, waana sahan oo waxay doonayaan inay maalgashadaan dalkeena gaar ahaan Berbera,waa shirkaddii ugu horreysay kuwo kalana way imaanayaan,waa inaan u diyaar garownaa oo dadka soo dhaweynaa”.

Dekadda Berbera ayaa waxay ku taallaa meel istiraatiiji ah taasi oo ku wanaagsan ganacsiga iyadoo horay ay u sheegtay dowladda Imaaraadka inay ka dhisanayso saldhig millatari oo ay kala socoto xaaladaha dalka Yeman.

Basle shirkadda SKA ayaa haday noqoto inay maalgaliso dhisamaha Berbera waxay wax weyn ka badalaysaa dhaqaalaha waddanka waa sida uu sheeyay Faysal Cali Waraabe.

Goobjoog News