U bood dhigaalka

Faysal Cali Waraabe Oo Ka Warbixiyay Kulan Uu La Qaatay Safiir Ku Xigeenka Ingiriiska u Fadhiya Kenya

Sheeko:Dalka

Gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ayaa maanta ka warbixiyay kulan ay la yeesheen safiir ku xigeenka dalka Ingiriiska u fadhiya dalka Kenya, kuwaasi oo dhawaan soo gaaray Somaliland.

Mr. Waraabe ayaa sheegay in ay ka wada hadleen sidii loo dhisi lahaa deegaanada Somaliland, una dhici lahayd doorasho xor oo xalaal ah.

Sidoo kale waxa uu sheegay Faysal Cali Waraabe in wax walba oo soo wajaha Somaliland dhexdeeda ay dhameysato, islamarkaana cidna aan dibadda uga imaan, sidaasina uu u sheegay safiir ku xigeenka.

“Waxyaabo badan ayaa kala hadlay, waxaan u sheegnay in dhexdeennu aan wada heshiineyno, wax walba oo ku aadan kaliya in aduunka nagu caawiyo wixii aan ku heshiino, waxa uu inoo xaqiijiyay in marnaba aanu faraha nala soo galeyn, ayna ku shaqeynayaan wixii aan isku raacno, waxa aan u sheegnay anaga oo wada soconno gacmaha is haysanno inaan Nairobi ugu tagi karno” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Dhinaca kale gudoomiyaha Xisbiga UCID ayaa sheegay in caalamka looga baahan yahay inay eegaan oo ay ixtiraamaan shacabka Somaliland oo uu tilmaamay in wax badan ay qabsadeen, ayna haboon tahay in siyaasiyiinta iyo shacabka aan si isku mid ah loo eegin, oo shacabka mudnaan ballaara siiyaan caalamka.

Hadalkaan ayaa imaanaya xilli xalay ay heshiis wada gaareen Xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaridka ah, ka dib markii la’isku qabsaday arinta ku aadan waqtiga loogu daray maamulka iminka talada haya.

Goobjoog News