U bood dhigaalka

Faysal Cali Waraabe oo Sheegay in Nabadda Somaliland ka Jirta ay Soo Jiidatay Indhaha Maalgashiga Dunida

Sheeko:Dalka

 Guddoomiyaha  xisbiga mucaaradka ah ee UCID  Eng Faysal Cali Waraabe   oo ka  mid ahaa masuuliyiin Somaliland u saxiixay heshiiska ay la galeen shirkadda DPWorld  ee maalgeshiga  dekedda Berbera ayaa  sheegay  in xaaladda Amni ee Somaliland ka jirtaa ay soo jiidatay indhaha maalgashadayaal caalami ah oo magaaliyiin doolar u bareeray iney Somaliland gashadaan.

Guddoomiye  Faysal oo ka hadlay shir lagu taageerayey heshiiskaasi la  kala saxeexay oo ka qabsoomay Hargeysa ayuu ku sheegay in heshiiskani uu Somaliland horumar u soo jiido doono” runtii  waxay noqon doontaa arrin taariikhi ah oo waliba horumar dalkeena u horseeda waxa uu keenayaa shaqada oo badata , waxaanu sababi doonaa  dalkeena oo shaqo abuur u bilaabmo” ayuu yiri Eng Faysal.

Guddoomiyahu waxa uu ka hadlay xaaladda nabadgalyo ee Somaliland iney keentay in malaayiin dolar lagu maalgashado Somaliland, waxaanuu yiri;

” Waxyaabaha keenay in Somaliland la maalgeliyaa waa nabadgalyada, wiilka yar ee 15 sano jira ee nabadgalyada ku koray ma garanayo dhibaatada laga soo maray nabadgalyada, waxaa qiimaheeda garanaya dadka aan maanta haysna, caalamka islamaaka waxaan nahay dadka fara kuritiska ah ee haysta nabadgalyo buuxda”.

Guddoomiyaha  xisbiga UCID oo isagu sheegay in sababta  uu uga qaybgalay madashii heshiiska ay ahayd  in ka badan 23 sano uu  u dhaqdhaqaayey  sidii Somaliland nabad xooggan iyo  horumar uga heli lahayd dhinacyo uu dhaqaaluhu ka mid yahay,  waxa uu intaasi ku daray inay waajib tahay sidii Somaliand uga feejidnaan lahayd in la wiiqo waxa uu ugu yeeray  horumarkeeda  oo uu qay ka mid ah ku tilmaamay inay tahay heshiiskan DPWorld.

Masuuliyiin Somaliland u metalaysay oo uu hogaaminayey wasiirka qorshaynta Cali Axmed Shoombe  ayaa kulan dadweynaha ay u qaybteen markii ay soo laabteen waxay ku faah-faahiyeen heshiiska ay la soo galeen shirkadda DPWorld oo isaga wali ay jiraan dad ka soo horjeeda oo ay ka mid yihiin  dadka deegaanka Berbera oo wali ku doodaya in xukuumadda Siilaanyo iibistay dekedda oo ay ku tilmaameen iney tahay hanta dadka u dhaxaysa .

Goobjoog News