U bood dhigaalka

Faysal Cali Waraabe oo Somaliland Ugu Baaqay In Laga Qeyb Qaato Doorashooyinka Dadban ee Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Faysal Cali Waraabe Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Somaliland ayaa madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay in Soomaliland ay si dadban uga qeyb qaadato doorashooyinka Soomaaliya 2016.

Faysal oo ka qeybgalay kulan habeenimadii Xalay lagu qabtay madatooyada Somaliland loogana hadlayay arrimaha ictiraaf raadinta maamulka ayaa ka hadlay qodobbo ay ka mid yihiin doorashooyinka Soomaaliya, war-murtiyeedkii shirkii IGAD iyo shirka Madasha wadatashiga qaran,  isagoo ugu horreyn IGAD ku eedeeyay inaaney daacad ka ahayn arrimaha Soomaaliya:

“Waxaan doonayaa inaan isku dultaago shirarka ka socda Xamar ee madasha loogu yeeray ee war-murtiyeedka soo saaray, waxaan u aragnaa  magaca Soomaaliya , Jamhuuriyaddii Somaliya markay burburtay qolo kastaa magaceedii ayay qaadatay, anagu Somaliland ayaan qaadanay Somaliland iyadaa na khuseysa , habkan loo wado arrimaha Soomaalida waxaanu u aragnaa mid aan loogu talogelin in ay  nabadi ka dhalato Soomaaliya, maaha Soomaalidu qowmiyado kala jaadjaad ah oo qabaa’il ku saleysan isir ah, waa qabaa’il hal geed ka sameysan, in la yiraahdo waxaa ka sameynayaa dowlado yaryar oo qabaa’illo ah, oo illaa hadda lagu guuleysan waayay, waxaan u aragnaa inaan la wadin dan Soomaaliyeed ee dano kale la wado oo wadamo kale u adeegaysa, waxaan u aragnaa inaan IGAD daacad ka ahayn iney Soomaali wax noqoto ama Somaliland ha ahaato ama Soomaaliya, waxay dan moodeen Soomaali kala tagsan mid xanuusaneysa iyo mid bogsatay la isku xidhay, dadka Soomaaliyeed in la qeybiyo inaaney dantooda ahayn ayaan u arkaa.”

Faysal Cali Waraabe waxa uu talo  ku saabsan doorashooyinka 2016 usoo jeediyay Madaxweyne Siilaanyo,  isagoo yiri  waa inaan ka qeyb qaadaannaa si dadban Doorashooyinka Soomaaliya:

“Waxaan madaxweyne ku talin lahaa Soomaaliya cid naga xigtaa ma jirto waa dad aynu daris nahay waa dad ay dano iskaga kaaya xidhan yihiin, waa ineynu doorashadoodaa si dadban gacan uga geysannaa Ugandha ayaa ka geysaneysa, Jabouti baa ka geysaneysa, Itoobiyaa ka geysaneysa, Mareykan baa ka geysanaya innagana waa inagu waajib inaan wax ka geysanno oo talo ku yeelanno oo aanan odhan nama khuseyso way na khuseysaa, wanaagoodu waa wanaageenna, xumaantooduna waa xumaanteenna”.

Faysal waxa uu sheegay in gacan caafimaad qabtay Somailand ay ka geysato doorashooyinka Soomaaliya oo ka duwan tan IGAD oo dooneya iney Soomaali isku mashquusho oo ay dowlad goboleedyo ciidan leh oo dagaalama ay noqdaan.

Hadalkan Faysal ayaa ku soo beegmaya xilli 13 bishan magaalada Muqidsho ay Madaxda IGAD ka soo saareen qodobbo ay ka mid tahay midnimada Soomaaliya iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada