U bood dhigaalka

Maqal: Faysal Cali Waraabe: Waxba Nooma Dhimayo Baarlamaan Isagaba La Ilaaliyo

Sheeko:Dalka

Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Somaliland ay ka fiirsanayso wada hadallada u socday iyaga iyo dowladda federaalka Soomaaliya kuwaas oo marar badan horey u burburay.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID ahna musharraxa madaxweyne ee xisbigaasi ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan ka adkeyn dowlad goboleedyada dhismaya islamarkaana aynaan ka hadli karin arrinta Somaliland.

“Waan ka tashaneynaa in wada hadallada aan lasii wadno Soomaaliya, waayo dowlado badan baa is dhex yaacaya, waa qabiilo isku tagey, Soomaaliya gacan gumeysi bay ku jirtaa” ayuu yiri Faysal.

Waxa uu sheegay in baarlamaanka Federaalka Soomaaliya aanu ku dhisneyn sharci, islamarkaana aanu wax ka tari karin heshiiskii Somaliland ay la gashay dowladda Imaaraadka.

“Annagu kama mid nihin waxa aad dowladda ku sheegeyso, baarlamaanka aad sheegeyso waa midkii inta ay diideen baarlamaankii Jubbaland hadane iyaga oo u jeeda laga shaqeysiiyey, waqti bay iska khasaarinayaan waxba nama tari karaan, Muqdisho ayaa lagu ilaaliyaa” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Waraabe ayaa madaxda dowladda federaalka sida madaxweynaha, ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre iyo guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayuu dhaliiley siyaasaddooda.

Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga

Goobjoog News