U bood dhigaalka

Faysal Cali Waraabi ” Ethiopia Nama Maamusho”

Sheeko:Dalka

Faysal Cali Waraabe oo ah guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid  ayaa sheegay in siyaasiyiin qaar ay aamin san yihiin in Somaliland laga maamulin dalka Ethiopia, taasina aaney sax ahayn.

Guddoomiye Faysal oo ka hadlayay xaflad lagu daahfurayay jaamacad cusub oo saldhigeedu yahay dalka Ethiopia magaalada Hargeysa ka furaneysay xarun cusub ayaa ammaaney waxbarashada ka imaneysa dalka Ethiopia isagoo dhanka kale farta ku fiiqay in Somaliland aan laga maamulin dalka Ethiopia sida ay sheegaan siyaasiyiinta qaar; “ Siyaasiyiin ayaa markay  Ethiopia diidan yihiin waxay yidhaahdaan  Somaliland waxa maamusho Ethiopia, nama maamusho”, waxa uu intaa raaciyay in Ethiopia ay la wadaagaan xuduud dheer oo gaaraya illaa 400 Km, xiriirka ay wadaagaanna uu yahay mid saaxiibtinimo.

Faysal Cali Waraabe ayaa sidoo kale ku tilmaamay in nacaybka dad Soomaaliyeed ay u qabaan Ethiopia ay  ka bilaabatay deegaannadii Ingiriisku gumaysan jiray gaar ahana Hargeysa ka dib markii Ethiopia loo gacan geliyay dhul Soomaaliyeed, isagoo xusay in maanta dhulkaas dadka Soomaaliyeed ee ku nool ay iyagu is maamulaan.

Geesta kale; faysal Cali Waraabe ayaa ku tilmaamay arrin Somaliland mustaqbal u ah in waxbarashada qaybaheeda kala duwan ay Ethiopia ka caawiso gaar ahaan jaamacadaha waxaanu  yiri” Awal hore Ethiopia  waxa nooga iman jiray  qaadka oo kaliya balse maanta haddii ay waxbarasho ka imanayso waa arrin wanaagsna oo qaadka wax hal million ku dhaw ayaa maalinkasta lacag ahaan u taga Ethiopia  “.

Faysal Cali Waraabe oo ka hadlaayey jaamacadaha iyo waxabrashada sii kordhaya ayaa waxa uu sheegay inay caqabadi hor taagan tahay oo ah arrinta qabyaaladda  oo uu ku tilmaamay inay garab socoto waxbarashada Somaliland lugooyana ku tahay.

Maamulka Somaliland ayaa waxaa ka jira jaamacado soo kordhaya oo laga leeyahay dalka Ethiopia kuwaas oo waxbarshada heerka koowaad ee  jaamacadeed iyo tan sareba laga barto, waxyna intooda badani xarumo ku leeyihiin magaalada Hargeysa oo jaamacado kale oo gaar ah ay ka furan yihiin.

Goobjoog News