U bood dhigaalka

Faysal Cali Waraabe “Riwaayad Bay Ahayd In 2016-ka Ay Doorasho Qof Iyo Cod Ah Ka Dhacdo Soomaaliya”

Sheeko:Dalka

Gudoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in guud ahaan ay qaldan tahay qaabka hadda loo wado siyaasadda Soomaaliya, islamarkaana uu tilmaamay in wax aan suurta gal ahayn dusha laga saaray dadka Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay in Soomaaliya loo xiray Shaar uu sheegay in ay soo toleen dad kale, misane uu la ekaan waayay, taasi oo uu kala jeeday hanaanka beesha caalamka ay wax u wado.

Tallaabadii loo maray Road Map-kii ayuu sheegay in ay ahayd mid aad u qaldaneed, islamarkaana dadkii saxiixa lahaa ay ahaayeen kuwo aan Soomaali ka fikirin waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Waa mashruuc aan soconeyn waxa Soomaaliya ka socda, waana wax loogu tala galay in shacabka Soomaaliyeed lagu sii kala qob qobo, inta waxaasi ay socdaanna Soomaaliya horumar lagama sugayo” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Dhinaca kale mar aynu wax ka weydiinay aragtidiisa ku aadan doorasho cod iyo qof ah oo dalka ka dhacda 2016-ka ayuu sheegay in ay muuqatay in aysan dhacayn taasi, balse ay ahayd mid qarash lagu cunayay waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Riwaayad bay ahayd in 2016-ka ay doorasho qof iyo cod ah ka dhacdo Soomaaliya, wadan kala qob qoban, ajaaniib ay joogto amaankana aan sugneyn waxay ahayd sheeko lacag lagu cunayay markii la dhahayay doorasho ayaan qabaneynaa, weyna iska cadeed taasi” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Dhinaca kale Gudoomiye Faysal ayaa ku baaqay in hadii la doonayo xaaladda Soomaaliya in ay isbedasho in marka hore dhismaha dowladda hoos laga soo bilaabo sidaasna lagu dhiso dowladda aan Federaal ahayn.

“Anaga hadii aynu nahay Somaliland waan tashanay, Soomaaliyana waxaa looga baahan yahay sidaasi oo kale, waa in hoos laga soo bilaabaa dhismaha dowladnimada, waa in laga tagaa qabiiladaan wax lagu qeybsanayo” ayuu hadalkiisa raaciyay Waraabe.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan waxa ay sheegtay in dalka aanay ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah, taasi oo la filayay inay dhacdo sanadka 2016.

Goobjoog News