U bood dhigaalka

FBI: Hillary Clinton Sharciga Kumey Xadgudbin

Sheeko:Caalamka

Agaasimaha FBI James Comey ayaa ku dhawaaqay inaaney jirin wax dambi ah oo ay ku heleen Hillary Clinton oo ku saabsan dhanka farrimaha E-mail-da ah ee horey loogu soo eedeeyay iney si khaldan u adeegsatay.

Guddoomiyaha guddiga kormeerka iyo dowlad wanaagga Congresska ee jamhuuriga ah Jason Chaffetz ayaa war uu ku faafiyay bartiisa  Twitter-ka Axaddii shalay, isagoo soo xiganaya agaasimaha FBI James Comey inuu yiri: ” Waxba iskama bedelin natiijadii aan ka gaarney  farriimaha wasiir Clinton bishii July, marka la eego baaritaanadii dheeraadka ahaa ee aan sameynnay”.

Dhanka kale,  wakaaladda wararka “Reuters” ayaa sheegtay in Comey agaasimaha FBI uu yiri:  ” In Xafiiskoodu uu baaray dhammaan farrimihii ay dirtay Clinton ama amarkeeda lagu diray intii ay haysay xilka wasiirka arrimaha dibadda”.

FBI oo ah waaxda dambi barista Mareykanka ayaa bishii July ee sannadkan ku dhawaaqday in la xiray faylka baaritaanka lagu hayay farrimaha e-maillada ay dirtay musharxa xisbiga Dimuqraadiga Hillary Clinon iyagoo xusay iney wax dambi ah ku waayeen. Waxaase ol’olaha doorasho ee Hillary Clinton dhabar jab ku noqday markii maalmo ka hor ay FBI-du sheegeen in kiisii farrimaha Clinton ay dib u fireen baarintaanno dheeraad ahna ay ku sameynayaa.

Goobjoog News