U bood dhigaalka

Feeryahanka Qarnigii 20-aad Maxamed Cali Kalaay Oo Geeriyooday

Sheeko:Dalka

Feeryahankii Caanka ahaa ee Maxamed Cali Kalaay ayaa geeriyooday kadib 24 saac oo isbitaal ugu jiray xanuunka neef Mareenka oo  hayey muddo 34 sano ah.

“Kadib 32 sano uu xauunkan hayey, Maxamed Cali waxaa uu ku geeriyooday da’da 74 jir, Cali oo horay 3 jeer ugu guuleystay feerka Miisaanka culus ayaa geeriyooday caawa” sidaa waxaa Saxaafadda u sheegay afhayeenka qoyska Kalaay Bob Gunnell.

Maxamed Cali Kalaay oo lagu tiriyo feeryahankii ugu caansanaa ee dunida soo mara waxaa Koobkii ugu horeeyay uu ku guuleystay isagoo 22 jir ah sanadkii 1964, mar labaad 1974 iyo1978.

Kalaay waxaa uu feerka ka fariistay 1979, laakin waxaa uu feerkii ugu dambeeyay uu galay Dec. 11, 1981.

Maxamed Cali Kalaay waxaa uu guursaday ilaa 4 jeer, waxaa uu dhalay 9 caruur ah, gabadhiisa yar Leyla Cali waxaa ay ciyaartaa feerka.

Goobjoog News