U bood dhigaalka

FESOJ oo Soo Bandhigtay Dhibaatada Lagu Hayo Saxafiyiinta, Diiddeyna Xakameynta Xuriyadda Hadalka

Sheeko:Dalka

Federation of Somali Journalists(FESOJ) ayaa qoraal sanadle ah waxaa ay ka soo saartay heerka xuriyadda hadalka ee Soomaaliya iyada oo soo bandhigtay warbixin faahfaahsan oo arrinkan la xiriirta.

Sida ay daabacday Federation of Somali Journalists(FESOJ) , inta u dhaxeysay May 2019 ilaa May 2020,  4 saxafi ayaa lagu dilay Soomaaliya, 64 ayaa la xiray, 47 kale ayaa si xun loola dhaqmay, 7 ayaa dhaawac ah halka 5 warbaahin la xiray.

Saxafiyiinta sanadkii hore la dilay waxaa ka mid ahaa Cabdinaasir Cabdulle Gacal oo ka tirsan SNTV iyo Cabdiweli Cali Xasan oo warbaahinta Kulmiye ahaa.

Warbixinta waxaa ku jira in Websiteyo dowladda dhaliila hawada laga saaray, in saxafiyiin badan ay dalka ka carareen kadib markii naftooda u cabsadeen, iyada oo NISA ay dacwo  ku furay weriye Haaruun Macruuf oo ka tirsan VOA, waxaa sidoo kale dhaliil uu ka qoray Covid 19 loo xiray tifaftiraha guud iyo agaasime ku-xigeenka Goobjoog Media Group Cabdi Caziz Axmed Gurbiye kaas oo hadda dammaanad lagu soo daayey balse lagu amray in aanu ka hadli karin ama wax ka qori karin kiiska isla markaana aanu dhaleeceyn karin xataa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

FESOJ waxaa ay sheegtay iney diidan tahay tallaabo walbo oo lagu xakameynayo ama lagu garba duubayo xuriyadda hadalka iyada oo ku baaqday in la baa’biyo xeerarkaas boorinaya in sidaasi la sameeyo.

Waxaa kale oo qoraalka FESOJ ku jira in gabdhaha ku jira warbaahinta ay caqabado badan la kulmaan sida in wiilasha laga fadilo, in la waxyeeleeyo, mushaarka oo lagu yareeyo iyo arrimo kale.

Akhriso: Warbixinta oo dhameystiran.