U bood dhigaalka

Feysal Axmed Xasan Oo Ku Biiray Kooxda Dowladda Hoose Ee Muqdsiho City

Sheeko:Cayaaraha

Xidigihii saddexlayda bishii December 2018 ka dhaliyay xulka Jabuuti Feysal Axmed Xasan kana mid ahaa ciyaartooydii dalka u imaaday ciyaaraha saaxiibtinimo iyo is-dhaxgalka ayaa si rasmi ugu mid noqday naadiga dowladda hoose ee Muqdisho City Club waxaana saxiixan laacibkan isha ku hayay kooxaha waaweyn ee dalka.

Cabdi Wali Colaad Qanyare (Gaatamow) oo ka tirsan macalimiinta kooxda Muqdsiho City Club  ayaa sheegay in uu kalsoonyahay xirfada laacib Feysal Axmed si weyn loo sugayo xirfadiisa goolasha uu kusoo bandhigay waajibaadka xulka qaranka Soomaaliya sanadkii lasoo dhaafay 2018.

 

Feysal Axmed Xasan ayaa ka haray kooxdii ka timid wadanka Britain,balse isaga uu kasoo raacay dalka Norway wuxuuna caasimada Muqdisho laacibka u imaaday ciyaaro saaxiibtinimo iyo is-dhagal bulsho,balse laacibkan waxa uu safarka kooxdii uu la soccday uga haray waajibaadka xulka qaranka.

Kooxaha waaweyn ee kubbadda cagta Soomaaliya ayaa si weyn ugu loolalamay saxiixan xidigana,balse falanqeeyaasha ciyaaraha gudaha  ayaa qaba aragti ah in laaciibkan uu biixin karo boosas badan oo iminka ka maqana kooxda Muqdisho City Club sanadaha soo aadan oo koobab badan kula guulaysandoono M.C.C.

Taageerayaasha kooxda Muqdisho City Club ayaa qaba rajo wanaagsan taas oo ku aadan in sanadkan tartamada kubbadda cagta mid ka mid  ah ay ku guulaysan karaan maadaama sanadkii lasoo dhaafay 2018 ay hanteyn koobka sanadalaha ee Jeneraal Daa’uud Cabdulle Xirse .

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Laacib Feysal Iyo Ku Biiritaankiisa Kooxda Muqdisho City Club

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/572445879933431/

W/D-W/D-Maxamed Xuseen Qalinle