U bood dhigaalka

Feysal Cali Waraabe: Doorasho Noo Gaara Ayaan Qabsan Doonaa

Sheeko:Dalka

Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID  Eng Feysal Cali waraabe, ayaa sheegay in ay qabsan doonaan doorasho u gaara haddii xukuumadda Somaliland ay ku qancin weyso doorashada soo aadan.

Gudoomiye Feysal oo ka hadlayay munaasabad ay xil kula kala wareegayeen dhalinyaro  ayaa si aad ah uga hadlay arrimaha doorashooyinka maamulkaasi, waxa uuna hoosta ka xariiqay in ka mucaarad ahaan ay tallaabo qaadi doonaan.

Sidoo kale, waxa uu soo hadal qaaday wadahadalada Soomaaliya iyo Soomaalilnad, waxa uuna wax laga xumaado ku tilmaamay in raggaasi Farmaajo uu magacaabay ay ka shaqeeyaan wadaxaajoodka labadaasi dhinac.

“Bishan aakhirkeeda ayuu qaatay madaxweynuhu in arrintaan uu dhameynayo, arrintaasi hadii ay dhamaan weyso inagune talaabo ayaan qaadi doonaa  si doorasho aan u qabsanno” ayuu yiri Feysal Cali waraabe

Xukuumada Somaliland iyo xisbiyada mucaaradka maamulkaasi ayaa isku haya doorashada soo aadan ee ka qabsoomi doonto Somaliland.

 

Goobjoog News