U bood dhigaalka

Feysal Xasan Xaashi “Muqdisho City Club Waxaan La Qaatay Sanad Cajiib Ah”

Sheeko:Cayaaraha

Weeraryahanka naadiga Dowladda hoose ee Muqdishu City Club Feysal Xasan Xaashi ayaa u dabaal dagay sanad guuradiisii kowaad,tan iyo markii ku soo biiray kooxda Muqdishu City bishii September 2019,isagoo kaga yimid naadiga Dekeddaha.

Mudadii sanadka aheyd laacib Feysal waxa uu kooxdiisa la gaaray guul waaweyn oo dhinacaha tartamada gudaha,isagoo hantay horyaalka Somalia Premier League fasal ciyaareedkiisii kowaad kula guulaystay kooxdiisa Muqdisho City Club,sidoo kale wuxuu kaalamaha ka galay gool dhalinta horyaalka,isagoo dhaliyay 16-gool.

“Wuxuu ii ahaa sanad cajiib ah waxaan gaaray guulo waaweyn,balse waxay ku dhaceyn qaabka wanaagsan ay ii soo dhaweeyeen maamulka,macallimiinta iyo taageerayaasha naadiga Muqdisho City Club” ayuu Goobjoog Sports u sheegay laacib Feysal Xasan Xaashi.

Maamulka kooxda Muqdisho City iyo taageerayasha ay u mahad celiyay ciyaaryahan Feysal Xaashi da’daalka uu ka geystay horomarka kooxdooda mudadii sanadka aheyd,iyagoo sheegay in ay ka sugayaan intaa iyo ka badan in uu ku soo kordhiyo naadiga Dowladda Hoose ee Muqdisho City Club.

“Waan ugu mahad celinaynaa wax-qabadka sare uu soo bandhigay xirfadyahan Feysal,waxaan ka sugayaan intaas iyo in ka badan in uu ku soo kordhiyo naadiga Dowladda hoose ee Muqdisho City Club” waxaa sidaas Goobjoog Sports ugu waramay Cabdiqaadir Xaaji Muxidiin (Dacar)  oo ah la taliyaha maamulka isboortiga Gobolka Banaadir kana tirsan maamulka sare ee MCC.

Si kastaba Feysal Xaashi ayaa waqti wanaagsan ku soo qaatay kooxaha LLP Jeenyo iyo Dekedda wuxuuna ka mid yahay weerayahanada ugu wanaagsan Soomaaliya.