U bood dhigaalka

Fidel Castro Oo 90 Jir Noqday, Shuuciyadda iyo Hanti-Wadaagga wax ka baro

Sheeko:Dalka

Waxaa Maanta 90 sano ay u buuxsantahy aabaha shuuciyadda  ee dalka Cuba iyo ninkan ayaa ka badbaaday iskudey badan oo lagu dili lahaa, Maanta waa 90 jir, waxaa uu si  xor ugu nool yahay waddan uu maamulayey in ka badan nus qarni, maantana uu walaalkii madax ka yahay.

Fidel Castro aabihii waxaa uu ka soo qaxay gobolka Galicia ee dalka Spain, waxaa uu ahaa ganacsade iyo nin dhul leh.

Castaro yaraantiisii waxaa uu ahaa hogaamiye, waxaa uu caan ka ahaa dhalinyarada Cuba iyo Colombia.

Fidel Castro waxaa uu ka mid yahay hogaamiyeyaasha fara ku tiriska ah ee ka haray dagaalkii qaboobaa.

Bishii April ee sanadkii hore, mar uu ka hadlayey xaflad ay xisbigiisa qabsadeen waxaa uu sheegay in uu 90 galayo, arrintaas uu ku tilmaamay mid aanu abidkii ku fakarin, isagoo adkeeyay in la sii wado shuuciyadda dalka Cuba.

Fidel Castro  waxaa xukunka qabsaday 1959 isagoo jasiiradda ka saaray Mareykanka, saxiib ka dhigya Soviet Union isla markaana ceyriyay malaayiin Cuban ah.

Communism(Shuuciyadda):

Waa madhab aragti Bulsho iyo mid Siyaasadeed iyadoo ujeedadeeda tahay la wareegidda wax soo saarka Muj’tamaca iyo oo lagu shaqeeyo Nidaamka Hanti-Wadaaga , Nidaamkan ma jiro qof qof ka wanaagsan ama ka hati-badan

Shuuciyadda Waxaa Aabe u ah Karl Marx.

Socialism(Hani-Wadaaga):

Waa Nidaan Hantiwadaag oo dhamaan qalabka wax soo saarka waxay gacanta u galayaan Dowladda, Nidaamkan ma jirto waxa loo yaqaano Milkiyadda shakhsida ama hantigoosad.

Waxaa jirtay  Nidaamka   Hantiwadaaga Cilmiga oo ah nidaam dhaqaale ku salaysan tasoo ah in inta shaqeysa ay gacanta ku dhigaan Qalabka wax soo saarka,  Wadamadii Hirgaliyay kuna guurdaraystay waxaa ka mid ahaa Somalia.

Dugsiyada Shuuciyadda ama Communism-ka:

Marxism oo dhibada u Aaseen Karl Marx oo ahaa Faylasuuf Yuhuudda Jarmalka iyo Saxiibkiisa Friedrich Engel’ oo ahaa Ingiriis.

Leninism: waxaa iyada dhidibada u taagay Vladimir Lenin oo ahaa Faylasuuf horkacay Kacaankii Bolshevik ee Dhulka, Kheyrka iyo Nabadda.

Leon Trotsky: Lenin ku Xigeenkiisa iyo Raggii Kacaanka ka qeyb galay ilaa markii dambe laga Ceyriyo Xizbiga Shuuciga 20-yadii

Joseph Stalin: waa Aabihii Midowga Soviet oo dadka qaar ugu yeeraan Stalinism.

Mao Zedong Though: waxaa uu Shiinaha ka dhigay Quwad Caalami ah isagoo Xizbiga Communist party of China ka dhigay Xizbiga ugu weyn Caalamka.

Joseph Broz Tito: Hogaamiyihii Socialist Federal Republic of Yugoslavia.

Fidel Castro: waa Aabaha iyo Hogaamiyhii Kacdoonkii Kuba min December 1959-kii ilaa iska Casilo Xilka February 2008-dii.

Che Guevara: waa Saxiibka Fidel Castro, waa Argentines Marxism-ka aaminsanaa.

Siyaad Barre: Aabihii Kacdoonkii Somalia 1969-1991 iyo Hogaamiyihii Xizbiga Hanti-Wadaagga Kacaanka.

Goobjoog News