U bood dhigaalka

FIFA Oo Ku Talo Jirta In Qaar Ka Mid Ah Cayaaraha K/Adduunka 2022-ka Lagu Qabto Dalal Daris La Ah Qatar

Sheeko:Dalka

Xiriirka kubadda cagta adduunka(FIFA) ayaa sheegay inay ka fakirayaan inay badiyaan kooxaha ka qeyb galaya koobka adduunka ee 2022-ka, si ay dalalka u gaaraan ilaa 48 koox.

Afhayeen u hadlay FIFA ayaa sheegay inay ka fakirayaan in cayaaraha qaar lagu qabto dalalka dariska la ah Qatar, oo marti-gelin-doonta koobkaas.

Go’aankaas ayaa laga yaabaa in la gaaro ka hor March sanadkan kolkaas oo ay bilaaban-doonaan isreebreebka koobka adduunka.

2017-kii ayey aheyd markii FIFA u codeysay in kooxaha la dhigo 48 halka hadda ay yihiin 32, waxana la filayey in laga bilaabo 2026-da.

Goobjoog News