U bood dhigaalka

Fikrad: Dal Aan Gacanta kugu Jirin Go’aankiisa Ma lihid

Sheeko:War

Laga soo billaabo bishii June ee sanadkaan waxaa khilaaf xoogan soo kala dheh galay dowladdaha sucuudiga iyo Qatar khilaafkaas oo markii dambe keenay in Sucuudiga iyo Emaaraatku xiriirka u jaraan dowladda Qatar, sidoo kale waxa ay sucuudigu  dowladaha saaxiibka yihiin ku cadaadinayeen in ay ayaguna la saftaan dowladda sucuudiga oo dowladda Qatar meel looga soo wada jeeysto

Dowladaha sucuudiga la saftay xilligaas waxaa ka mid ah Imaaraatka, Baxreyn, Masar, Jabuuti iyo wadamado markii dambe dagaal uga oo biiray, xilligaas waxaa Qatar lagu eedeynayay inay taageerto argagixisada ayadoo markii dambe waddamo badan ay arintaas kasoo hor jeesteen kuna tilmaameen mid lagu gardaraysanayo Qatar.

Dowladda sucuudigu waxa ay ku dadaalaysay in Soomaaliya ay ku biirto safka Sucuudiga ayagoo aad ugu kalsoonaa in Soomaalidu aysan diidi karin dalabka sucuudiga, oo horay ayey taageero u siiyeen markii ay isku dhaceen dowladda Iiran ayadoo dowladdii xilligaas jirtay ee uu hogaaminaayay madaxweyne Xasan Sheekh ay xiriirka u jartay dowladda Iiran waxayna dalka ka saartay safiirkeedii Soomaaliya waxayna sidoo kale cayrisay hay’ado samafal oo dalka joogay.

Kalsoonida noocaas ah ayagoo haysta ayay Soomaaliya ka codsadeen inay xiriirka u jaraan dowladda Qatar laakiin waxaa dhacay arin ay qaadan qaayeen, warqad kasoo baxday wasaaradda arimaha dibadda waxaa lagu sheegay in Soomaaliya ay dhexdhexaad ka tahay arinta muranka carabta ayna ka qaybqaadanayso sidii lagu hesheesiin lahaa waddamadaas, waxa ay ka codsadeen ururka jaamacadda carabta iyo urur weynaha islaamka inay si degdeg ah arintaas wax uga qabtaan.

Laakiin sucuudiga iyo Imaaraatka oo arintaas u cuntami la’dahay waxay isku dayeen in ay badalaan go’aanka Soomaaliya ee dhexdhexaadnimada ah, sida la sheegay $80 milyan ayaa loosoo bandhigay dowladda Soomaaliya si ay u badasho go’aankeeda xariirkana ugu jarto Qatar.

Arimaha kale ee Soomaaliya lagu cadaadinaayay waxaa ka mid ahaa in lagala laaban doono mashaariic horumarineed haddii ay ku adkaysato go’aankeeda dhexdhexaadnimo, sidoo kale waxaa Muqdisho kasoo dagay wafdi uu hogaaminaayay wasiirka arimaha dibadda Qatar Sultan Bin Saad Al-Muraikhi, asagoo dowladda ku amaanay go’aankeeda iyo sida ay u muujisay inay u madaxbannaan tahay go’aanadeeda masiiriga ah.

Wixii xilligaas ka dambeeyay dowlada Sucuudiga iyo Imaaraatku waxay arintii u weeciyeen maamul goboleedyada dalka ka jira si cadaadis ay ugu saaraan dowladda dhexe inay taageerto Sucuudiga, waxay cilad ka dhiganayeen in Sucuudiga iyo Soomaaliya uu ka dhexeeyo xiriir soo jireen ah iyo in sucuudigu waligiis soo garab taagnaa umadda Soomaaliyeed sidaas darteedna aan la barbar dhigi karin dowladda Qatar oo dhawaan gal ku ah Soomaaliya wax la taaban karana aan dalka ka qaban.

Laakiin madaxda dalka ugu saraysa waa iska dhagatireen codsiyadii uga imaanayay maamul goboleedyada illaa markii dambe uu maamul kasta soo saaro warqad uu ku sheegayo inuu taageersan yahay sucuudiga iyo Imaaraatka go’aanka dhexdhexaadnimada ah ee dowladdu ay qaadatayna uu ahaa mid qaldan oo maamul goboleedyada iyo shacabka ay matalaanba aan lagala tashan.

Waxaa sidoo kale warqado is daba joog ah ay kasoo bexeen madaxweyneyaasha maamul goboleedyada marka laga reebo Madaxweynaa Jubbaland oo aan wali cadeysan go’aankiisa ku aadan muranka carabta,  warqadahaas oo dhamaan taageersanaa dowladda sucuudiga ayadoo sidoo kale warqadaha kasoo baxay maamulada qaar ay isku ekaayeen taas oo dhalin karta shakiga ah in hawshu dhan tahay mashruuc isku xiran

Go’aanadii maamul goboleedyada iyo taageeridoodii sucuudiga waxaa ay keentay kala go’ siyaasadeed oo u dhexeeya madaxda maamuladda iyo Dowladda dhexe waxaa meesha laga saaray madaxweynihii hore ee maamulka Hirshabeele waxaana loo aanaynayaa barbar istaagii uu Sucuudiga u muujiyay.

Waxaa sidoo kale hadda uu qalqal siyaasadeed ka taagan yahay maamulka Galmudug khilaafkaas oo la xariira markii ay soo saareen warqadda taageerada loogu muujiyay sucuudiga oo haddana uu madaxweyne xaaf u safray Imaaraatka, waxaa go’aankaas kasoo horjeeystay madaxweyne ku xigeenta iyo xildhibaanada qaar.

Madaxweynaha oo safar uga soo baxay Dubai oo Hargeysa soo maray ayaa saacado halkaas ku xanibnaa kadib markii diyaaraddii soo qaadi lahayd oo uu kireysay Muqdisho saacado lagu daahiyay sida uu madaxweynuhu sheegayna ay dowladda Soomaaliya ka dambeysay arintaas oo uu ku sheegay faragalin lagu haayo maamulkiisa.

Xiriirka maamulka Galmudug iyo dowladda ayaa hadda meel xun maraya, waxaa sidoo kale Qatar ku jira amniga maaamulkaas ayadoo madaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiyaha baarlamaanka Xabsi guri la galiyay kadib markii laga dareemay inay kasoo horjeedaan siyaasadda maamulkaas iyo go’aanka taageerada loogu muujiyay dowladda sucuudiga, Waxaa sidoo kale soo baxayday in qaar ka mid ah baarlamaanka Galmudug ay xilka ka qaadeen madaxweyne Xaaf waxayna sheegeen in 54 xildhibaan oo kulanka fadhiday in 52 kamid ah ay u codeeyeen in xilka laga qaado sidoo kale xildhibaano kale ayaa arintaas kazoo horjeestay,

Dadaal kasta oo dowladda samayso iyo go’aan kasta oo ay qaadato ma shaqayn karo maadaama dowlad goboleedyadu ay wadanka maamulaan, waa in dowladdu ay go’aanada ka qayb galisaa madaxweyneyaasha maamul goboleedyada haddii kale waxaa dhici karta inay ku andacoodaan dadka aan matalno iyo deegaankeenaba dani uguma jirto sida haddaba dhacday ee arinta dhexdhexaadka laga noqday muranka waddamada carabta.

Gunaanad

Soomaali waxay ku maahmaahdaa inta aadan falin ka fiirso, dowladduna waa inay tashi badan iyo ka dhaadhicinta madax goboleedyada  ku dadaashaa inta aysan arin ku dhaqaaqin haddii kale caqabad meel xun gaarta ayaa ka dhici karta, sida in maamul goboleedyadu ay dowladda ka dhinac hadlaan ama in ay xariirkaba u jaraan sidii ay yihiin dowladda la siman oo kale.

Haddaba qormadayda gaaban ee Dal aan gacan kuugu jirin Go’aankiisa malihid waxaan kusoo koobayaa in dowladdu ay aad uga feejignaato arinta go’aan kali qaadashada mar kasta ay ku eedeeyaan maamaul goboleedyadu, oo ay ka talo galiso maadaama wadanka maamulkiisa ay qayb ka yihiin ayna yihiin qayb ka mid ah dowladda.

W/Q: Maxamed Deeq Taako.

Email: [email protected]

Goobjoog News, waxaa ay soo dhaweyneysaa fikradaha akhristayaasha, kala soo xiriir: [email protected]