U bood dhigaalka

Fowsiyo Abiikar Nuur “ Nafaqo-darro Xun Ayaa Dalka Ku Haysata Caruurta Iyo Haweenka Soomaaliyeed”

Sheeko:Caafimaadka
Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee  DFS Iyadoo la kaashaneysa hay’ada ay wada shaqeyaan ee  Soomaaliya Gaara ahaan UNICEF-Somalia, Waxaa sharaf Weyn u ah in ay soo saarto manta natiijada Sahanka xogta nafaqada soomaaliya oo dhammeystiran (The Somalia Micronutrient Survey  2019 results), Waxaa Xusid mudan in Soo gabagabeenta iyo ka guulgaarista qabashada sahanka nafaqada ay tahay guul inoo soo wadahoyatay dhamaanteena.
Sahankan Waxay ujeedadiisu ahayd in uu bixiyo sawir guud oo ku saabsan heerka nafaqada haweenka iyo caruurta Da’doodu kayar shanta sano. Waxaana sahankani lagu sameeyey 2,400 qooys oo ku kala nool; Somaliland, puntland, Jubaland, Galmudug, Hirshabele, koonfur-galbeed, Gobolka Benaadir iyo sidoo kale dadka barakacayaasha (IDPs) si loo ogaado heer kooda nafaqada.
Uruurinta xogta sahanka nafaqada lagu aruuriyay waxaa ka mid ah; xogtaqoyska  (House Hold Data), xogta cabirka koritaanka jirka caruurta (Child Growth Monitoring) iyo; tilmaamayaal badan oo ay ka midyihiin: dhiiga, kaadida iyo saamiyada biyaha iyo Cusbada.
Natiijada sahanka nafaqada kasoo baxday waxaa lagu ogaaday:
• In kabadan 40% oo haween iyo caruur ah ay qabeen dhiig yari (Aneamia)
• 34% oo caruur ah ayaa qabay Vitamin A yari (Vitamin A deficiency)
• 11% oo haween ah ayaa qabay vitamin A yari ( Vitamin A deficiency)
Ayadoo laga Tixraacaayo natiijooyinka kasobaxay sahanka nafaqada ee soomaaliya 2019 Wasaarada caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee Soomaaliya waxay horseed u noqon doontaa dejinta siyaasadda iyo istraatiijiyadaha lagu yareyn doono heerka nafaqo yarida (malnutrition) sidoo kalena waxay kor uqaadi doontaa heerka nafaqada haweenka iyo caruurta shanta sano kayar iyo guud ahaanba dadweeynaha soomaaliyeed.
Ugudanbeyntii Wasaarad da caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee soomalaiya waxay ku boorineysaa dhamaan hay’adaha dowlada, Hay’adaaha UN ka, Kuwa Caalamiga ah, Ururada Maxaliaga ah,  Ganacsadata, Shirkadaha  gaarka  looleeyahay, Iyo Kuwa Cilmibaarista, in ay u isticmaalaan natiijada sahanka nafaqada soomaaliya 2019 dhamaan barnaamijyada Hurmarinta nafaqada ee  guuudahaan dalka .

 

Halkan Ka Daawo Xogta Ka Soo Baxday Wasaarada Caafimaadka Soomaaliya

Goobjoog News