U bood dhigaalka

Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan:  Baarlamaankeenni Baa Loo Burburiyay oo Loo Xirayaa Dano Kale

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo wareysi dheer siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in maamul goboleedyada dalka ka jira ku qaldan yihiin sida ay cadaadiska u saareen dowladda federaalka ah.

“Marka waxa keenay culeyska intaa la eg, oo inta 6 dowlad goboleed isku tagaan oo dowladdii la tartamaan, oo garab istaagaan oo ay dhahaan inaga ayaa go’aamineyna, innaga ayaa dhulka 90% ka talina, waa ila qaldan tahay…Marka waa 7-bo dowlad oo isgarab-yaalla, waxan waxaa soo fakiray dad dano kale dalka”.

Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf waxaa ay qabtaa in arrimo kale ay tahay in ay xoogga saaraan madaxda maamul goboleedyada “Ka taliya waxyaabihii Local ahaa, ka taliya caafimaadka, ka taliya Iskuullada, ka taliya shaqooyinka iyo wixii looga baahan yahay, laakin arrimihii masiiriga ahaa ee waweynaa ee dalka ee arrimaha dibadda, difaaca innaga ayaa go’aankiisa leh, dowladdana waa in inaga nagala tashataa, Taariikhda Historiga iyo Dimoqoraadiyadda meelna laguma arag”.

Khilaafka Khaliijka iyo Sida Carabta looga arko waxaa ay sheegtay“Dalal kale Carabta waa 23 dal, 4ta go’aanka qaatay iyo 2-3 raacday mooyee inta kale wax cadaadis lagu haayo,  ma jirto ee arrinta waa miskiinbaa misko la fuule leh”.

Dhinaca kale, Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan waxaa ay eedeyn u soo jeedisay baarlamaanka federaalka ah  “Baarlamaankeenni baa loo burburiyay oo loo xirayaa dano kale, midnimada innaga ayaa leh, baarlamaanka aniga had iyo jeer waan cambaareynayaa, baarlamaanka waan ku jiraa, ka mid ayaan ahay, laakin sida ay wax u socdaan, Baarlamaanka in uu kaco ayey aheyd, in la isugu yeero ayey aheyd, in la wada hadlo ayey aheyd, guddoonka in ay-berigii hore inaga oo joogna ayaa Madasha nagula dumiyay oo go’aamo kale la qaatay, qaladaadka gudaheenna weeye, mid aan anigu qarinayo ma aha, qaladka ugu weyn baarlamaanka ayaa leh”.

Maanta ayaa lagu wadaa in golaha aqalka sare ayaa ka hadlaan khilaafka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada, waana aqalka sida toos ah u matala maamul goboleedyadaasi iyo danahooda.

Goobjoog News