U bood dhigaalka

Francisco Madeira Oo Kulan La Qaatay Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya.

Sheeko:Dalka

Hawlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa ballanqaaday inay sii-wadayaan hawlaha lagu xasilinayo dalka iyo dadaallada dib u soo kabashada ah ee lagu caawinayo Soomaaliya iyadoo la fulinayo mashaariic meelo badan laga hirgelinayo kuwaasoo ay ka mid yihiin ilaha dhaqaale ee aas-aasiga ah.

Francisco Madeira, oo ah Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha hawlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya iyo madaxa AMISOM ayaa sheegay in AMISOM ay ka  fulineysay Soomaaliya qorsheyaal saameyn xooggan yeeshay tan iyo sannadkii 2018.

“Mashaariicdaas waxaa ka mid ah, dib u soo nooleynta Iskuullada, Ceelal, Waddooyin iyo goobo caafimaad. Waxaan sidoo kale u abuurnay fursado shaqo dhallinyarada,” ayuu yiri Madeira xilli uu kulan la yeeshay guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal.

Warar laga helayo Midowga Africa ayaa sheegaya in Madeira iyo Maxamed Mursal ay sidoo kale ka wadahadleen arrimo ay ka mid yihiin hawlgalka Midowga Africa  (AMISOM) iyo Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed iyo sidii loo sii dardargelin lahaa.