U bood dhigaalka

Madaxweynaha Faransiiska oo Golaha Amaanka Dalkaasi Kala Hadlaya Basaasnimada Mareykanka

Madaxweynaha dalka Faransiiska ayaa saacadaha soo socda la kulmaya hay’adda amaanka ugu sareysa dalkaas, si ay uga wada hadlaan sidii ay ka yeeli lahaayeen warar ay sheegtay WikiLeaks oo sheegay in Mareykanka ay dhageysanayeen Teleefoonada Madaxweynayaasha Faransiiska Jacques Chirac, Nicolas Sarkozy iyo  Francois Hollande.

Afhayeen u hadlay Hollande aya AFP u sheegay in Madaxweynaha iyo gudiga amaanka ka wada hadlayaan qaabka ugu haboon ee arinkaas looga jawaabi karo iyo xiliga la sheegayo in Mareykanka wax dhageysteen oo ah mudadii u dhaxeysay 2006-2012-kii, Macluumaadka ay Mareykanka heli karaan.

WikiLeaks ayaa Talaadadii daabacday warbixin ay cinwaan yga dhigtay Elyzee oo la basaasay” Elyzee, Waa Guriga Madaxweynaha Faransiiska isla markaan ay ku kulmaan golaha waziirada, waxaa la dhisay 1718-1722-kii, waxaa uu ku yaal Magaalada Paris, sidoo kale waxaa uu yahay hogya Madaxweynaha min 1874-kii